Waxay mahad oo idil u sugnaatay Allaah (SW) oo xaaraan ka dhigay in la dulmo addomadiisa uguna goodiyey kuwa wax dulma inuu ciqaabi doono (adduun iyo aakhiraba), balse Shaydaanka ayaa u qurxinayaa mar walba kuwa wax dulma camalkooda oo Alla ka cabsi ka fog.
Soomaaliya waxaa ku habsaday dhibaatooyin fara badan sida dagaalo, abaar, iyo fatahaad ka dib markii ay burburtay dawladdii awoodda badneyd ee uu madaxa ka ahaa Maxamad Siyaad Barre. Mar kasta oo uu Alle dhibaato ka saaro waxaa soo baxaya dhibaato kale oo dadka iyo sumcadda waddanka hoos u dhiga ilaa Qarankii Soomaaliyeed karaamadii uu adduunka ku lahaa ay hoos u dhacdo laguna tilmaamo Soomaaliya inay ka jirto dawlad fashishay (failed state).
Kuwa waddanka uu ka dagi la’yahay waxaa ka mid ah kooxda Al-Shabaab oo ay iska caddahay in ay u shaqeeyaan cadawga Soomaaliya oo aan marnaba ogoleen in dawladnimada Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto iyagoo ku doodaayo inay diinta Islaamka u gargaarayaan. Dadka Soomaaliyeed waa dad 100% Muslim ah oo aad u jecel diintooda, laakin qolyahaan waxay ku shaqaynaayaan fikir iyo facilo aan diinta Islaamka meelna kaga qorneen. Al-Shabaab waxay baneesteen dadka maalkooda, sharaftooda, naftooda iyo cirdigooda, iyagoo xoog uga qaata dadka muslimiinta hantidooda, ku xadgudba sharaftooda iyo cirligooda, waxaa intaas u sii dheer qofkii ka diida xadgudubyadaas inay dilaan ama dhibaateeyaan xubnaha qoyskiisa.
Qoladaan diinta ka been sheega waxay qaraxyo ku dileen kumanyaal dad oo ka kooban bulshada qaybaheeda kala duwan oo aan waxba galabsan. Sidoo kale, waxay dilal qorsheysan ku dileen waxgarad fara badan oo ahaa indhahii ummadda sida culumada, nabadoonada iyo aqoonyahanada. Waxaad mooddaa kooxdaan argagaxisada ah in loo dhisay ciribtirka waxgaradka Soomaaliyeed si gumaystaha cusub uu siduu doono uga macaasho marka la waayo kuwa ka ilaaliya in la boobo khayraadka ummadda.
Gadoodka Shacabka Soomaaliyeed
Markii dadka Soomaaliyeed ay in ka badan 15 sano ay ku jireen kadeedka iyo xasuuqa ay geysanaayeen Al-Shabaab, waxaa mar qura gobolada qaar sida Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka dilaacay kacdoon shacab oo hubeysan isla markaana bilaabay in ay la dagaalamaan argagaxisada Al-Shabaab iyo dhaxalka dhibaatooyinka mahadhada weyn ku noqday nolosha horumarka bulshooyinka ku dhaqan deeganadaasi iyo guud ahaan wadanka. Waxaa muuqata in guulo waa weyn laga soo hooyay kacdoonada ay shacabku bilaabeen kuwaas oo argagaxisada lagu gaarsiiyey jab aad u weyn oo sababi kara in ugu dambeyn waddanka laga sifeeyo.
Markii argagixisada lagu jabiyey meelo fara badan gacantoodana laga fara maroojiyey meelo deegaano badan oo ka tirsan meelahii lagu dagaalamey, argagaxisada waxay bilaabeen inay si fulaynimo ah u burburiyaan ceelashii iyo guryahii ay shacabka ku noolaayeen tiiyoo ay waddanka ka jirto abaaro ba’an oo saameyn xoog leh ku yeeshay dad iyo duunyaba.
Diinteena xaniifka ah waxay aad u xurmeysay nafta, maalka iyo cirdiga qofka muslimka ah, wuxuuna Nabigeena suuban noo sheegay inuu shahiid yahay qofkii la dilo isagoo ku dagaalamaayo difaaca naftiisa, maalkiisa iyo cirdigiisa.
Aragtida Sheekh Xasan Daahir Aweys ee ku wajahan kooxda Alshabaab
Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ka mid ahaa dadkii ka dambeeyey inay soo baxaan kooxdaan jid iyo jiha diidka ah oo xalaaleestay dhibaataynta shacabka muslimka ah.
Markay ku heshiin waayeen danahooda shaqsiyadeed asaga iyo kuwii la midka ahaa oo ay ku midoobeen dhibaateynta shacabka masaakiinta ah ayaa qaar ka mid ahaa madaxda argagaxisada la dilay, waxayna taasi ku qasabtay in Sheekh Xasan uu ka soo baxsado kadib markii uu ka baqay in la dilo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “labadii ku hashiiya xaq daro waxay ku kala tagaan xaqa”, wuxuuna Sheekha isku dhiibay dawladda Soomaaliyeed laakin wuxuu diiday inuu ka tanaasulo fikirkii takfiiriga ahaa. Dawladda Soomaaliyeed waxay gelisay xabsi guri si ummadda ay uga badbaadaan fikirkiisa takfiiriga ah.
Waxaa nasiib daro ah in dawladda ay Xasan Daahir u ogolaatay inuu isticmaalo baraha bulshada asagoo ku faafinaayo fikirkiisa takfiiriga ah. Arintu si kastaba ha ahaatee Xasan Daahir marna lagama maqal asagoo cambaareynaayo falalka guracan ay kooxda Al-Shabaab ka fuliyaan waddanka sida is-qarxinta, dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo indheer-garatada, ganacsatada, aqoonyahanada iyo culumada. Sheekhu waxuu dhibsaday kacdoonka shacabka ay isaga qaadayaan heeryada Al-kShabaab markuu arkay saaxiibadiis inay qarka u saran yihiin in la ciribtiro.
Sheekhu wax weyn kama soo qaadin markay ay argagaxisadu laayeen caruur iyo dad ku safraayey waddada oo Alle ku tilmaamay “Ibnu sabiil” waajibiyayna in loo naxriisto oo waliba Alle wuxuu ku darary dadka xaqa u leh in la siiyo sakada. Sheekhu sidoo kale wuxuu ka aamusay qaraxyada laga geysto hoteelada laguna laayo dad badan oo aan waxba galabsan iyo burburinta ceelasha oo ay dad iyo duunyo ku noolaayeen.
Sheekhu asagoo qiil u raadinaayo, wuxuu ku tilmaamay xagudubyada ay Al-Shabaab geystaaan kuwa la mid ah kuwii ay hore u geysteen dawladdii kacaanka iyo jabhadahii waddanka soo maray.
Waa yaabee, Sheekhu ma waxuu kala garan waayey xaqa iyo xaq darada? Sheekhu ma wuxuu garan waayey in ficiladaas ay khaldanaayeen sababna u ahaayeen dhacitaanka dawladdii kacaanka iyo ciribtirkii qabqablayaasha dagaalka ka dib markii shacabka ay gadoodeen.
Kacdoonkan cusub ee ay shacabku bilaabeen waxaa uu la mid yahay kuwa aan horay usoo sheegay ee ay shacabku isaga dul qaadeen dulmigii lagu hayay, waxaana rajeynayaa waqti aan fogeyn Al-Shabaab laga cirib tiri doono guud ahaan wadanka, isla markaana uu dalkeenu gaari doono baraare iyo horumar.
W/Q: Cabdicasiis M.
AFEEF: Aragtida ay qorayaashu ka dhiibteen qaybta fekradaha, waa kuwo iyaga u gaar ah oo aan ka turjumaynin aragtida warbaahinta Hortabin Media.