Dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan waxa uu socdaa muddo bil ku dhaw, dhammaan ururrada hubaysan ee aan dawliga ahayn ee Iiraan ay taageerto sida; Xisbullaahi, ururrada hubaysan ee ka jira Ciraaq (intooda badan) dagaalka siyaalo kala duwan aye yuga qayb galeen. Laakiin Xuutiyiinta oo ah ururka ugu awoodda badan xulafada iska-caabinta ee Iiraan hoggaamiso ayaan ilaa hadda dagaalka soo gelin. Dad badan waxa ay iswayddiinayaan sababta ka danbaysa in Xuutiyiintu ka gawsadaygayaan ka qaybqaadashada dagaalka lagu qaaday Iiraan oo ah hogaanka xulafad iska-caabinta gobolka, taliska xulafadan maaligalinayey muddo aad u badan uu yahay mid wajahaya khatar jirtaan oo weyn, si la mid ah isgarab-istaaggii Xuutiyiintu u muujiyeen Xamaas dagaalkii 7-dii Octoobar, ee u dhaxeeyay Israa’iil, oo bilawgii colaaddaba ay dagaalka uga qaybqaateen si mug iyo miisaan leh.
Hoggaanka sare ee Jamaacada Ansaarul-laah (Xuutiyiinta) ayaa wali ku eeg hadallo taageero iyo hanjabaado isugu dhafan, iyagoo sheegay in hubkoodu diyaar yahay, ayna suurtagal tahay in ay dagaalka ku soo biiraan haddii xaaladdu ay sii cuslaato, u na hiilin doonaan taliska Iiraan, oo lagu qaaday dagaal gardarro ah. Go’aanka ka qaybgal la’aanta dagaalka ilaa hadda ee Xuuthiyiintu ay qaateen, waxa la odhan karaa waxa uu ku salaysan yahay dhawr arrimood oo ku geedaaman Jamaacadda Xuuthiyiinta, oo dhawrr iyo tobankii gu’ ee la soo dhaafay ka arriminaysay qaybo badan oo dalka Yaman ka mid ah.
Sooyaalka yagleelanka Jamaacada Xuutiyiinta iyo xidhiidhka siyaasadeed iyo midka diineed ee ay la wadaagaan Iiraan
Yagleelanka Jamaacada Xuutiyiintu waa ka duwanyahay jamaacaadka kale ee hubaysan, sida Xisbullaahi ee Lubnaan iyo xoogagga hubaysan ee Ciraaq. Ansaarullaah ma aha urur hubaysan oo ka dhashay istaraatiijiyaddiisa siyaasadeed ee dhoofinta kacaanka islaamiga ah, waa urur ku bilaabmay dhaqdhaqaaq diineed oo deegaan-abuuran gudeed leh, oo ka abuurmay gobolka sucuudiga xadka la wadaaga ee Sacda ee woqooyiga Yaman. Waxaa aasaasay wadaad la yidhaa Yaxye Bederudiin Alxuuthi, oo warbaahintu ugu magac dartay aasaasahoodii.
Dhaqdhaqaaqu waxa uu si rasmi ah u aasaasmay horraantii sagaashanaadkii, ururku waxa uu baadisooc siyaasadeed oo shaacsan yeeshay warbaahintana u soo galay markii uu hoggaanka dhaqdhaqaaga qabtay Xuseen Bederdiin Alxuuti oo ah wiilka curad ee sheikh Yaxye Alxuuti, oo ahaa siyaasi u dhaqdhaqaaga tabashada siyaasadeed, dhaqaale iyo midda diineed ee dawladnimada Yaman ka qabaan deegaannada woqooyiga Yaman.
Dhaqdhaqaaqan islaamiga ah, ee aaminsan mad-hab hoosaadka shiicada ee Saydiyadu oo muddo qarniyo badan Yaman xukumi jiray, waxa ay aaminsanyihiin in maamulka iyo xukunka dawladdu ku koobnaado tafiirtii Aalubaydka Nabiga CS (Haashimiyiinta), waa sababta inta u badan hoggaanka Xuutiyiintu ay u sheegtaan in ay ka soo jeedaan Aalubayta Nabiga. Sidaa awgeed, abuurankii hore ee dhaqdhaqaaqani waa ka madhnaa farogelinta xoogagga Alqudus (Quds Force) ee Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan (Islamic Revolutionary Guard Corps) u qaabilsan farogelinta dibedeed oo abuuray inta u badan xoogagga hubaysan ee taabacsan Iiraan ee ka jira gobolka.
Xuutiyiintu sidoo kale, waxa ay u ololeeyaan soo celinta taliskii Imaamada Aalubaydka ee dalka Yamantii woqooyi muddo badan oo qarniyo ah ka talinayay, markii danbena ay xukunka Yaman ka tureen xoogaggii kacaankii midnimada carbeed u ololaynayay oo aasaasay Jamhuuriyadda Yaman ee cusub gu’gii 1962-kii. Sidaa awgeed xidhiidhka Xuutiyiinta iyo Iiraan waa mid beri danbe bilaabmay, ku na salaysnaa taageero siyaasadeed iyo mid ciidan, oo kolba marxaladaha siyaasadeed ee gobolku jaangooyaan, se aan waligii isu beddelin mid u hoggaansamid dhammaystiran ah.
Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiintu waligoodba waxa ay lahaayeen madaxbannaani siyaasadeed marka la barbar dhigo ururrada kale ee xoogagga ilaalada kacaanku ay ka abuureen waddamada carbeed ee kale. Madaxbannaanida jamaacada sidoo kale waxa qaabeeyay mad-hab hoosaadka Saydiyada ee ay aaminsanyihiin, kaas oo fiqi iyo caqiido ahaanba aad ugu dhaw mad-habta Sunniga ah, kana duwan midka Kacaanka Iiraan ku dhisanyahay ee mad-hab hoosaadka laba-iyo-tabanlaha Jacfariga ah, oo ah mad-habka Shiicada u ballaadhan.
Kala duwanaanshahan mad-habeed ayaa sababtay in Xuuthiyiintu aysan si buuxda ugu xidhmin taliska Iiraan ee ku dhisan fekradda fiqhiga ah ee waliyaadda faqiiha, oo dunida uga wakiilka ah imaamka Abraaray—Maxamed Al Caskari, ee shiicada Jacfariga ah. Si ka duwan ururrada kale ee Iiraan taageerto, Xuutiyiintu mad-hab diineed ahaan kuma abtirsadaan imaamkan, taasoo ka dhigan inaysan dareen colaadeed ka qaadin dilkii Khaamanaa’i, oo ahaa hoggaamiyihii kacaanka Iiraan, halka ururrada kale ee shiicada siyaasadeed ee Ciraaq iyo Lubnaan badankoodu ay u arkeen dilka Khamaanaa’i dil loo gaystay imaamkii ka wakiilka ahaa imaamka maqan oo ah mahdiga aakhirusamaanka soo baxaya. Waa sababta ay ugu kala duwanaadeen ka falcelinta dagaalka Iiraan.
Dhanka kale, Xuutiyiinta hadda ma haystato khatar jiritaan oo gudaha Yaman kaga furan, oo ku qasbaysa in qaab ciidan u difaacaan Iiraan, si la mid ah sida Xisbullaahi iyo ururrada hubaysan ee Ciraaq ay u la kulmeen khatar jiritaan ka dib dagaalkii 7-dii oktoobar, halkaasoo colaado siyaasadeed oo gudaha ah ay ka furmeen, ujeeddaduna ahayd in hub-ka-dhigis lagu sameeyo, lana qarameeyo, si loo xakameeyo saamayntooda siyaasadeed. Sidaa darteed, sababta ugu weyn ee dagaalka hadda ka qaybqaadashadiisa ku qasbaysaa, waa in ay ilaaliyaan jiritaankooda ciidan iyo mustaqbalkooda siyaasadeed, iyagoo ku rejo weyn in Iiraan ay dagaalka ku guulaysan doonto ama ugu yaraan aan si weyn ayna ugu wiiqmin, si marka dagaalku dhammaado ay miiska wadaxaajoodka mustaqbalka cusub ee gobolka lagu go’aamin doono uu masiirka ururrada iska-caabinta Iiraan hoggaamiso iyo hubkoodu qayb uga noqon lahaayeen dib-u-qaabaynta awoodda ee gobolka.
Khasaarihii dhaqaale, siyaasadeed iyo Ciidan ee ka dhashay ka-qaybqaadashadii Xuuthiyiinta ee dagaalkii 7 Oktoobar
Sida la wada ogsoonyahay, Xuutiyiintu waxa ay dagaalkii 7-dii Oktoobar soo galeen maalintii saddexaad, iyagoo ka qaybqaadashadoodu dagaalka Israa’il iyo Xamaas yool uga dhigay garabistaag ay u ay fidinayaan muslimiinta falastiin ee Israa’iil xasuuqayso, qaybna ay ka yihiin gulufka colaadeed ee lagu xorraynayo masaajidka barakaysan ee Alaqsa.
Si ka duwan dagaalka hadda lagu qaaday Iiraan, dagaalkii 7-dii Oktoobar wuxuu la jaanqaadayay oo ay isqaadanayeen aaminaadda aydhiyoolajiyadeed ee Xuutiyiinta, oo halkudhigooda u caansani yahay ( Dhimashada Maraykanka, dhimashada Israa’iil, Lacnadda Yuhuudda iyo guusha Islaamka). Sidaa awgeed ka qaybqaadashada dagaalkaasi waxa uu la jaanqaadayay yoolka guud ee Jamaacada, taageero gudeed iyo mid dibedeedna waa u soo hooyay. Se dad badan ayaa qaba in kaqaybqaadashada dagaalkaasi uu ahaa mid ku dhisan xisaab qaldan, oo aan aad looga fiirsan iyo oddoros siyaasadeed oo aan lahayn sal xaqiiqo ah oo ka duulayay aragti ah, in dagaalku uu ahaan doono mid aad u gaaban, oo ka duwan sidii uu markii danbe u daba-dheeraaday, iyagoo ka tixraacaya sooyaalkii dagaalladii hore ee u dhexayn jiray Israa’iil iyo xooggaga iska caabbinta falastiiniyiinta ee Qasa, oo dhammaantood ahaa qaar socda muddo gaaban, marka laga reebo dagaalkii 2014-kii oo ahaa midka u dheer oo socday 50 habeen. Haddana, odoraskii Xuutiyiintu wuxuu noqday mid qaldan, waxaanu dagaalkaasi uu socday muddo ku siman laba sannadood, arritani waxa ay sababtay in Xuutiyiintu ay ka qaybnoqdaan dagaal dabadheeraaday, taasoo ku keentay dhiigbax iyo khasaare baaxad leh oo aysan hore ugu talagelin. Ilaa heer uu gaadhay in dagaalka lagu dilo badiba xukuumadda ay hoggaaminayeen ee ka arrimisa Sanca, laguna burburiyo kaabayaashii dhaqaale ee Yaman oo ay ugu weynayd dekadda ugu weyn ee Xudayda. Marka la isbarbardhigo guulaha ay dagaalka ka heleen oo u badnaa mid taageero shacab ah iyo khasaaraha dagaalka ka soo gaadhay Xuuthiyiinta, waxa aad u badnaa khasaaraha soo gaadhay Jamaacada oo gaadhay heer ay shacabka ay maamulaan u fidin kari waayaan adeegyadii dawladeed oo markii horeba ahaa qaar kooban.
Kolkaa, waxa la odhan karaa, maaddaama oo Xuutiyiintu yihiin urur sheegta in uu dawladda Yaman matalo, deegaanno bandanna gacanta ku haya, in hadda ay dagaal kale oo kii hore ka weyn ay ka qaybqaataan uu dhaawac weyn u gaysan doono sharciyadddooda siyaasadeed ee gudaha oo ah mid aan dhammaystirnayn, dagaallo badan oo gudaha ahna la daalaadhacaya, timaaddadana aad hoos ugu dhigi doona fursaddooda ay ku noqon karaan dawlad la aqoonsanyahay oo Yaman oo dhan ka talisa.
Aragtida Shacabka Yaman ay ka qabaan ka qaybqaadashada dagaalka
Ka qaybqaadashadii Xuutiyiinta ee dagaalkii 7-dii Oktoobar, waxa uu Jamaacada u soo jiiday taageero iyo garabistaag shacab, gudaha iyo dibeddaba. Taageeradan waxaa saldhig u ahaa laba arrimood oo muhiim ah; dareen diineed iyo mid qawmiyadeed. Qadiyadda Falastiin ayaa muddo dheer ku lahayd shacabka Yaman miisaan culus, iyadoo oo loo arko arrin diini ah iyo waajib ummadeed oo mudan garabistaag ka sarreeya kala duwanaanshaha siyaasadeed iyo midka mad-habeedba.
Sidoo kale, muuqaalladii xanuunka badnaa ee ka imanayay Qasa oo ay ka mid ahaayeen dilalkii iyo burburkii baahsanaa ayaa sii xoojiyay dareenkaas, taas oo keentay in tallaabada Xuutiyiintu ay hesho taageero ballaadhan, xitaa dhinacyo Xuutiyiinta hore ugu kala aragti duwanaa siyaasadda iyo mad-habta. Go’aankaasi waxa uu Jamaacada siiyey fursad ay ku helaan nafis siyaasadeed, iyagoo ka faa’iidaysanaya dareenka guud si ay uga dhuuntaan cadaadisyadii dhaqaale iyo siyaasadeed ee gudaha dalka kaga imanayay, gaar ahaan deegaannada ay maamulaan.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda hadda taagan way ka duwan tahay tii hore. Go’aan kasta oo la xidhiidha garabistaagga Iiraan waxa uu u muuqdaa mid ay adkaan doonto in Jamaacadu ka gaddo shacabkaYaman si la mid ah go’aankii hore, iyadoo la huwinaayo hu’ diineed ama aqwmiyadeed. Taas beddelkeeda, waxaa aad u suurtagal ah in tallaabadani ay dhaliso cadho iyo diidmo shacab oo baaxad leh. Sidaas awgeed, la ma filayo in go’aanka garabistaagga Iiraan, Xuutiyiinta ay awoodaan in ay huwaan hu’ diineed ama qawmiyadeed oo shacabka Yaman ay ka gadi karaan, si ay taageero shacab ugu helaan. Taa beddelkeeda waxaa la oddorosi karaa go’aanka ka qaybgalka dalgaalku in uu abuuro dareen gadood shacab oo baahsan, dabadeed Xuutiyiintuna u muuqdaan urrur adeege ah oo u afduuban dal shishiiye. Waa arrin marka danbe galaafan karta maamulka Xuuthiyiintu ay ka dhiseen gobollada Woqooyiga Yaman, waxaanu soo dedejin kara jabkooda siyaasaadeed iyo ciidanba.
Xisaabo siyaasadeed oo ku dhisan ka fiirsasho
Si ka duwan ururrada kale ee taageeray taliska Iiraan, Xuuthiyiintu waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo maamula deegaanno badan oo Yaman ka mid ah, gacantana ku haya badiba mu’asasaadkii dawladnimada ee Caasimadda ku yaallay, sida Madaxtooyadii, Wasaaradihii, Bangigii dhexe, iyo badiba talisyadii u waawaynaa ee ay lahaayeen Ciidamada Yaman. Waxa kale oo ay leeyihiin himilo siyaasadeed oo ah in timaaddada ay ka rejo qabaan in ay dalka oo dhan ay maamulaan, oo ay helaan aqoonsi iyo sharciyad siyaasadeed oo calami ah. Sidaa awgeed, go’aanka ka qaybqaadashada dagaal laga yaabo in uu noqdo mid gobolka oo dhan ku baaha oo aan la oddorosi karin dhammaadkiisa, waxa uu wiiqi karaa himiladooda maamulidda dalka oo dhan.
Xisaabtan siyaasadeed ayaa u muuqata in ay sabab u tahay in ayna go’aankooda ku degdegayn dhawaanahan ilaa iyo inta kafaddu kala caddaanayso, kuna eekaan doonaan taageero siyaasadeed iyo goodin ciidan, sababta oo ah, dagaalkii hore ee 7-dii Oktoobar inta ayna ka qaybgelin, fursaddooda siyaasadeed ee xukumidda Yaman oo dhan way ka badnaayeen fursadaha ay hadda haystaan dagaalkii ka dib.
Dagaalka ka hore, Xuuhiyiintu waxa ay wadaxaajood siyaasadeed oo ku dhawaaday in lagu heshiiyo kula jireen dalka Sucuudiga oo ah hoggaanka xulafada carbeed ee dagaalka kula jira Yaman gudaheeda, waxa kale oo ay ku dhawaadeen in ay sharciyad siyaasadeed qayb ahaan ka helaan reer galbeed, oo waxa ay wadaxaajood kula jireen maamulkii Maraykanka ee Baydhan, wadaxaajoodkaasina waxa uu dhalay in Xuutiyiinta laga saaro liiska ururrada argagixisada ah, taas oo u ahayd tallaabo aad u weyn oo Jamaacada u furtay marinnada dhaqaalaha oo ay ka go’doonsanaayeen.
Waxa intaa u dheerayd in ay xoogagga kala duwan ee ay isku hayeen gudaha iyo gacan ku haynta Yaman, sida dawladdda la aqoonsanyahay ee dibed meerka ahayd, dhaqdhaqaaqa kumeelgaadhka ee gobonnimo doonka koonfurta Yaman, ururka Ikhwaanul-muslimiinka ee gacansaarka la leh dawladda oo deegaanno badan oo muhiim ah gacanta ku hayay ama saamayn muuqata ku lahaa, iyo Xulafada carbeed ee ay hoggaamiyeen Sucuudiga iyo Imaaraadku oo muddo dheer ahaayeen qaar ku kala aragti duwan jidka siyaasadeed ee dawladnimada Yaman. Arrimahaas oo dhan waxa ay u muuqdeen in ay soo dhawaynayeen in Xuutiyiintu dalka oo dhan ay qabsandoonaan kana noqdaan dawaladda la aqoonsanyahay.
Si kastaba ha ahaatee, ka-qaybqaadashadoodii dagaalkii 7-dii Oktoobar ayaa si weyn u beddeshay xaaladdooda siyaasadeed waxayna keentay:
In ay ka mashquulaan colaaddii gudaha iyo dedaalladoodii isku fidinta gobollada dalka inta ka maqan.
Waxa kale oo dhacday in Maraykanku ku celiyaan liiska ururrada argagixisada ah.
Waxa weerraradii Israa’il iyo Maraykanka ku qaadeen Xuutiyiinta ku burburay kaabayaashii dhaqaale ee gacanta ay ku hayeen, oo ay ugu wayntahay dekadda Xudayda iyo kaydkii haamaha shidaalka ee dalka, taasi oo dhalisay culays dhaqaale oo baahsan.
Ugu danbaynna dawladdii la aqoonsanaa ee dibed meerka ahayd ay gacanta ku dhigtay dalka intiisii badnayd, gaar ahaan koonfurta, khilaafkii Sucuudiga iyo Imaaraadka ka dib.
Waxa ay dib u galeen go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo baaxad leh, oo timaaddada hoos u dhigaya furasadahoodii siyaasadeed ee u jiidayey in ay dalka ka wada taliyaan ama ugu yaraan geedisocodka dib-u-heshiisiinta siyaasadda cad weyn ku goosan lahaayeen.
Sidaa awgeed, khasaaraa baaxadda leh ee dagaalkii hore ka soo gaadhay Xuuthiyiinta waa midka keenaya in ay hadda aad uga baaraan degaan go’aanka ka qaybgalka dagaalka iyo garabistaagga taliska Iiraan.
- Tallaabooyinka ciidan ee ay qaadi karaan iyo waxtarkeeda
Ka qaybqaadashadii hore ee Xuutiyiinta ee dagaalkii 7 Oktoobar, waxa ay ahayd mid saamayn muuqata ku lahayd dagaalkii socday, dhaawac iyo dhiigbax ciidan iyo mid dhaqaale ba waa ku lahayd Israa’iil iyo Maraykanka, kadib markii marinka baab al-mandab ay qayb ahaan ay xidheen, u na diideen in maraakiibta Israa’il iyo Maraykankuba ay maraan marinkan halbawlaha u ah isusocodka ganacsiga dunida, ilaa heer Maraykanku ku qasbanaaday in uu si gooni ah u la heshiiyo Xuutiyiinta. Se hadda waxa la iswayddiinayaa, ka qaybqaadashadoodu ku darsi ma ku yeelanaysaa colaadda hadda socota? Waxa arritan laga eegi karaa nooca iyo saamaynta agabyada horyaalla ee ay adeegsan karaan haddii ay go’aansadaan in ay dagaalka soo galaan oo loo kala qaadi karo dhawr waaxood oo kala ah:
Adeegsiga gantaallada riddada dheer, oo ay ku ganaan Israa’iil sidii dagaalkii hore. Qodobkan hadda saamayn la taaban karo kuma yeelan karo heerka colaadda hadda taagan. Sababtoo ah, imikaba Iiraan oo ka awood badan kana caawisa samaynta gantaallada ayaa Israa’iil si maalinle ah ugu garaacda gantaallo ka badan kuwii ay Xuutiyiintu ku garaaci jireen Israa’iil, markaa ganidda gantaallo cusub oo ka awood yar kana riddo liita kuwa Iiraan waxba ku soo kordhin mayso heerka dagaalka.
Weerarro ay ku qaadaan fadhiisimaha ciidamada Maraykanka ee ku yaalla gobolka, waa mid ay samayn karaan, sida taliska ciidamada dhexe (CENTCOM) oo hadda gulufka hoggaaminaya, oo haddaba xooggaga ilaalada talisku ay si joogto ah u duqeeyaan. Iyo in ay duqeeyaan taliska Afrika (AFRICOM) oo hadda aan wax lug ah ku lahayn gulufka lagu hayo Iiraan, taliska kacaanka Iiraan qudhiisuna aanu rabin in la ballaadhiyo deegaanka colaadda taagan oo ilaa hadda Iiraan ma weerarin talisyada ciidamada Maraykanka ee ka baxsan gobolka sida taliska Yurub (EUCOM) oo fadhiisimo ku leh dalka Turkiga ayna gaadhi karaan gantaallada Iiraan. Haddii Xuutiyiintu ay taliska Africom oo kale weeraraanna ay ku yeelan karto saamayn ballaadhan oo ka timaadda waddamada talisyadaasi ku yaallaan.
Weerarro ay ku qaadaan dalalka Khaliijka ee ay ku yaallaan fadhiisimaha taliska dhexe iyo kaabayaasha dhaqaale gaar ahaan kuwa shidaalka ee dalalkaasiba, sidii weerarradii ay ku qaadeen Sucuudiga oo kale. Qodobkan qudhiisa, Xuutiyiinta waxa uu ku keeni karaa in dalalka Khaliijku ku soo qaadaan guluf colaadeed oo baahsan, si weynna u taageeraan Ciidamadda dawladda iyo xoogagga gudaha ee ay Xuutiyiinta is hayaan, oo keeni karta in laga qabsado deegaanno badan oo ay hadda haystaan.
Go’aanka xidhidda Marinka Baabul Mandib, oo ah tallaabada u culus ee ay ku kici karaan haddii ay go’aansadaan in ay dagaalka ka qayb noqdaan. Marka laga yimaaddo awoodda ay u leeyihiin in ay marinkan muhiimka ah ee ganacsiga dunidu 15% uu maro, tallaabadani waxa ay keeni kartaa in Xuutiyiintu noqdaan urur dunida ka dayro ah, waxa ayna ku abaabuli kartaa xulafo ciidan oo calami oo ka ballaadhan kuwii hore marinka u ilaalin jiray ee (Aspides) midawga yurub hoggaaminayay iyo hawlgalkii ilaalinta barwaaqada (Operation prosperity guardian) ee Maraykanku hoggaanka ka ahaa. Waxa la saadaalinayaa haddii ay tallaabadan ku dhaqaaqaan in dalal hadda Iiraan iyo Xuutiyiinta ay isku wanaagsanyihiin sida Shiinaha oo kale tallaabadan ka gadoodi doono ama Masar oo marinkan aad muhiim ugu yahay dagaalka ka qayb noqon karto.
Marka laga yimaaddo tallaabooyinka Xuutiyiinta horyaalla ama u suurtagalka ah, tallaabo kastaa waxa ay ku keeni kartaa in lagu soo qaado guluf colaadeed oo ayna iska caabbin karin, kaqaybgalkooda hiilka ahna uu Iiraan qudheeda ku keeni karo go’doon siyaasadeed oo caalami ah, hadda ayna u baahnayn.
Iraan oo rabin dagaal gobolka ku wada baaha
Go’aanka Xuutiyiinta waxa kale oo lagu fasiri karaa, Iiraan oo ilaa hadda aan go’aansan in dagaalka la baahiyo, oo noqdo mid gobolka oo dhan ku fida. In kasta, oo Murshidka cusub ee dhawaan la doortay arrintan ku hanjabay, haddana waxa laga dheehan karaa in ilaa hadda taliska Iiraan uu ka cabsi qabo in dalalka jaarku ay colaadda ka qayb noqdaan, kuna andacoonayaan weerraradayadu waxa ay ku koobanyihiin uun fadhiisimaha ciidamada Maraykanka iyo danahooda dhaqaale ee dalalka jaarka ah. Siyaasaddan marar badan ayay warbaahinta taliska kacaanka Iiraan oo weerarro ka badan kuwa Israa’iil ku weerartay ku qaadday dalalka Khaliijka, haddana intaa waxa warbaahintoodu ku celceliyaan in ay doonayaan in dalalka jaarka xidhiidh wanaagsan ay la yeeshaan, mushkiladda gobolka ka jirtaana ay tahay ciidamada shisheeye ee gobolka ku sugan. Sidaa awgeed, waxaa la odhan karaa, wali taliska Kacaanka Iiraan ayaan Xuutiyiinta ka dalban taageero ciidan marxaladdan lagu jiro.
Ugu danbayn, marka la eego muddada uu dagaalku socday in hadallada kala duwan ee hoggaanka Jamaacada Xuutiyiintu warbaahinta mariyaan ee u badan taageero siyaasadeed iyo hanjabaad afka ah, in Xuuthiyiinta uu aad ugu adagyahay qaadashada go’aanka ka qaybgalka dagaalka hadda socda, oo u muuqda mid lafajabin ah, ayna adagtahay in dhinacyadu ay si fudud uga soo degaan geedka colaadda ee ay fuleen. Haddana lama fogaysan karo, in Xuutiyiintu ay qaataan go’aanka ka qaybgalka dagaalka haddii ay dareemaan khatar jiritaan oo cad, taasina hadda maaha mid muuqata.
