Waxaa inta badan soo noq noqda khilaafaadka ka dhex aloosma madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamulka Puntland, arrintaas oo la rumeysan yahay in ay keento arrimo badan.
Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa qaba in dhowr qodob ay saldhig u yihiin soo noq noqoshada khilaafaadkan, kuwaas oo haddii aan la xalin dhibaato u horseedi kara nidaamka dowladnimada Soomaaliya.
Arrinta ugu horreysa ayaa lagu sababeynayaa, qab weyni, iyo awood ay adeegsaneyso Puntland, oo damaceedu yahay in laga tala galiyo arrimaha masiiriga ee u gaarka ah madaxda Dowladda dhexe.
Puntland ayaa daneyneysa in ay ka war qabto, ama xog laga siiyo, dadka xilalka uu siinayo Madaxweynaha, taas oo ah faragelin dhanka awooda Madaxweynaha, oo isugu keli ku ah gaaritaanka waajibaadkiisa masuulnimo.
Qodobka labaad ayaa ah, Dastuurka qabyo qoraalka ah, oo aan si cad u kala qeexeynin awoodaha madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waana arrinta sababeysa in khilaafku mar walba soo laba kacleeyo.
Waxaa kale oo jira siyaasiyiin dhaqaalle ka raadinaya arrintan, kuwaas oo ka shaqeynaya in ay labada dhinac kala fogeeyaan, si hadhow ay madaxda Dowladda dhexe ay uga qaataan dhaqaale ay ku xalinayaan khilaafka jira.
Arrinta kale ee xusida mudan ayaa ah, in khilaafkan ay gadaal ka riixayaan dowladdo shisheeye, gaar ahaan kuwa dariska, iyo wadamada carbeed, kuwaas oo sanadihii ugu danbeeyey saameyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya, isla markaana curyaaminayey dowladnimada hana qaadeysa.
Ugu danbeyntii aqoonyahanada ayaa sheegaya inuu xalku yahay in ay puntland doorkeeda qaadato, isla markaana ay la mid noqoto maamulada kale ee dalka ka jira, iyadoo u tureysa dowladda soo kabaneysa ee Soomaaliya, oo aan xamili karin dibindaabyo.