Soomaaliya waxaa ku soo noq noqda dagaallada u dhaxeeya beelaha dariska ah, kuwaas oo badankooda colaadooda ay soo billaabatay waqti aad u dheer.
Dagaalladan ayaa inta badan salka ku haya arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, waana colaad badankeeda u dhaxeysa dadka reer miyiga ah.
Soo noq noqoshada dagaalladan ayaa loo sababeynayaa, in dowladda ay ka jiifatay xalinteeda, taas oo haddii loo guntado noqon lahayd mid mira dhasha.
Si dagaalladan looga baaqsado, waxaa muhiimad gaar ah leh, in dadkaasi reer miyiga ah loo sameeyo wacyi galin, lagu fahamsiinayo qiimaha darisnimada, iyo waxa Soomaalida ka dhaxeeya oo uu ka mid yahay dhulka.
Aqoonyahanada ayaa sidoo kale sheegaya in culumada laga rabo in ay door ka qaataan joojinta dagaalladaasi, iyagoo dadka u sharxaya dhibaatada dhiiga daadanaya uu u geysanayo bey’ada.
Si Kastaba waxaa iminka qeybo ka mid ah dalka ka soconaya dagaal beeleedyo geysanaya khasaare kala duwan, waxaana xoogga dagaalladaasi ay ka dhacayaan gudaha deegaanada maamulka Galmudug oo ah maamul kulmiyey qabiilo badan.