(Hortabin Media) – Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxa ay su’aallo ku weydiiyeen Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Barre.
Su’aalaha la weydiinayey Wasiirka ayaa badankood ku qotomay fadeexaddii Somalia kasoo gaartay tartankii orodka ee dhowaan lagu qabtay dalka China, halkaas oo ay Soomaaliya ku mataleysay gabar aanan u diyaarsaneyn tartanka.
Wasiirka ayaa sidoo kale wax laga weydiiyey shaqada guud ee wasaaradda, gaar ahaan arrimaha ciyaaraha iyo horumarinta garoomada ku yaalla gudaha dalka, oo waqtigan badankood uu ka muuqdo dayac, marka laga reebo labbo garoon oo Caasimadda ku yaalla.
Maxamed Barre ayaa dhankiisa fadhiga Barlamanka ka sheegay in wasaaraddu ay laheyd kaliya soo jeedin, ayna gabadhii tartantay soo martay guddiga Olombigada iyo xiriirka ciyaaradaha fududud, isagoo xusay in arrintaasi ay uga jawaabeen xil ka qaadis ay ku sameeyeen Khadiija Aadan Daahir oo ahayd gudoomiyihii Olombikada ciyaaraha fudud.
Wasiirka ayaa isku difaacay in arrintaasi aanu ka warqabin, wuxuna Khadiija ku eedeeyey musuq la xiriira gabadhii tartanka ka qeyb gashay oo ka mid ahayd xubnaha qoyskiisa.