(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa shalay qarax Ismiidaamin ah, oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ku bartilmaameedsatay Bar-koontorool oo ku taalla Magaalada Baladweyne ee bartamaha Soomaaliya, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Haddaba maxaa lagu micneyn karaa qaraxii Al Shabaab ee Baladweyne, xilli gobollada dhexe ee dalka ay ka socdaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab?
Su’aalahan ayaan hordhigay qaar ka tirsan aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo aragtidooda ka dhiibtay qaraxyadii gil gilay Baladweyne?
Qaar ka tirsan Aqoonyahanada ayaa sheegaya in weerarkan lagu macneyn karo mid is muujin ah, oo ay Al Shabaab ku direyso fariin ah in ay weli geysan karaan falal lidi ku ah amniga.
Aqoonyahanadan ayaa sidoo kale sheegaya in weerarkan uu u muuqaal eg-yahay mid aargudasho ah, maaddaama dadka reer Hiiraan ay iyagu billaabeen kacdoonka looga soo horjeedo Al Shabaab ee iminka dalka ka socda.
Siyaasyiinta qaar ayaa qaba in weerarkan aanu waxba u dhimi doonin, gulufka ka dhanka ah Al Shabaab ee iminka ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya, kaas oo kooxda sida muuqata looga itaal roonaaday, lagana saaray degmooyin iyo deegaano badan.
Siyaasiyiinta qaar ayaa ku talinaya in dowladda ay muujiso feejignaan, isla markaana ay ka hortagto weerarada noocan oo kala ah, oo ay inta badan khasaare gaarsiiya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Qaraxii shalay oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 qof, ayaa waxaa dadka geeriyooday ku jiray hal qoys, kuwaas oo aqalkoodu uu ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana xalay Muqdisho la soo gaarsiiyey qaar ka mid ah dhaawacyadii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii Baladweyne.
WQ:Ayaanle Qoyste