(Hortabin Media) – Ciidamada Dowladda qeybaheeda kala duwan, ayaa inta badan isku dhaca koox koox ama shakhsi shakhsi, iyadoo aan si rasmi ah la ogayn waxyaabaha ay isku qabtaan.
Ciidamada isku dhacaya ayaa isku adeegsada hubka ay wataan ee ay dowladdu leedahay, waxaana ka dhasha inta badan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada dowladda ka wada tirsan ee isku dhaca, ayaa inta badan ku murmo arrimo dhul la xiriira, waxaana koox walba soo wata labada dhinac ee dhulka isku heysto, taas oo keenta in la isku adeegsado rasaas, khasaarana uu ka dhasho.
Waxaa sidoo kale isku dhacooda uu soo noq noqdaa, askarta ciidanka ka wada tirsan, waxaana dhacda in labbo askari oo ka wada tirsan hal guuto, ay is rasaaseeyaan, halkaasna uu ku baxo mid ka mid ah labadii askari ee is diriray.
Arrinta kale oo jirta ayaa ah in si kadis ah uu askari xabad ugu dhufto mid kale oo ay ciidanka ka wada tirsan yihiin, waxaana dhacda inuu baxsado ama la qabto.
Askariga la qabto ee dilka geysta ayaa la soo taagaa maxkamada ciidamada qalabka sidda, waxaana shacabka la yaab ku noqota waxyaabaha ay isku qoonsadeen ee sababy geerida oo ah arrimo fudud oo la xalin karay.
Shalay Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay askari lagu magacaabo Shariif Jini, kaas oo xarardheere ku dilay askari ay ciidanka ka wada tirsanaayeen oo ay hal guuto iskula jireen.
WQ: Ayaanle Qoyste