Dagaal xooggan ayaa, mar kale, ka dhex qarxay labada dal ee Baakistaan iyo Afgaanistaan waana markii labaad ee ay labada dal dagaalamayaan intii uu talada hayay ururka Daalibaan oo unkankiisii iyo taabbagalkiisiiba loo aaneeyo Baakistaan.
Baakistaan ayaa weerarro cirka ah ku qaadaysa caasimadda Kaabuul iyo xarumo ciidan oo Afgaanistaan leedahay, soodimaha labada dalna waxa ka socda dagaal furan oo ay guulo kala sheeganayaan.
Dagaalkan labada dal ee xilligan maamulka Daalibaan waxa uu muujinayaa in colaadda labada dal ay aad u xidid dheer tahay, heer aanay isbeddelin si kaste oo ay isu beddeshay cidda xukumaysaa Kaabuul.
Hadda, halkee ayaa ay salka ku haysaa colaaddu?
Sannadkii 1947-kii ayaa ay Baakistaan xor noqotay waxana ay codsigeeda xubinnimo u gudbisay Qaramada Midoobay, bishii Ogost ee sannadkaas. Xubinnimada Baakistaan ee Qaramada Midoobay waxa ku gacansaydhay hal dal oo ka horyimid in la aqbalo; waa Afgaanistaan. Waqtigan ay Baakistaan gaar u xorowday ee ay kala baxeen Hindiya, waxa ay Afgaanistaan doontay in ay saxdo wax ay u aragto duudsi taariikhi ah oo hore u dhacay.
Dabayaaqadii qarnigii 19aad, waxa gobolka ka jiray loollan xooggan oo u dhexeeyay Ingiriiska oo markaas haystay Hindiya iyo Ruushka oo isku soo fidinayay badhtamaha Eeshiya, isaga oo soo hiigsanayay biyaha diirran. Loollankaasi waxa uu keenay in ay kala seertaan aagagga galaangalka gobolkaas, arrintaas oo ku caanbaxday Ciyaartii Weynayd (The Great Game). Ingiriisku waxa uu gacansiiyay Imaaraddii Afgaanistaan si ay u noqoto soodinta kala soocda dhulkii Ingiriiska ee Hindiya iyo dhulalkii Eeshiya ee uu qabsaday Ruushku. Afgaanistaan waa ay u baahnayd taageerada Ingiriiska, waxana ay ka heli jirtay taageero dhaqaale. Sidaa awgeed, Amiirkii Afgaanistaan ee xilligaas, Cabdiraxmaan Khaan, waxa uu, 1893-kii, aqbalay qorshe uu watay diblumaasi Ingiriis ah oo la odhan jiray Mortimer Durand kaas oo qeexayay xadka waqooyi ee Hindiyadii Ingiriiska. Mortimer Durand waxa uu ku dadaalay in uu xadkaasi noqdo meel ka caaggan Ruushka waxanu mariyay buuraleyda Hindukuush oo ah dhul aad u adag, waxa uu sidoo kale hubiyay in Afgaanistaan ay ku dherernaato xadka oo dhan oo aanay marna isa soo gaadhin soodimaha dhulka uu qabsaday Ruushku waana isla sababta ay Afgaanistaan u leedahay maanta liidka dhuleed ee ay iska gaadhaan Shiinaha, kaas oo uu dhererkiisu leeg yahay ku dhawaad 300km halka uu ballaciisu yahay, meelaha qaar, 20 km oo keliya.
Liidkan soodimeed ee uu Durand abuuray, isaga oo iska moosaya Ruushka, waxa uu sababay in uu si ba’an u kala qaybiyo qoomiyadda Bashtuunka oo ku dhawaad 55% ay raacday Hindiyadii Ingiriiska, halka in ku dhaw 30% ay raacday Afgaanistaan. Ha se ahaato e, tiradaa yar ee Bashtuunku waxa ay Afgaanistaan ka yihiin tirada badan ee dalka, halka tirada badan ee raacday Hindiya ay noqotay tiro aad ugu yar dalkaas.
In kaste oo ay Afgaanistaan oggolaatay xilligaas, baahidii ay Ingiriiska u qabtay awgeed, haddana markii la soo gaadhay 1947-kii oo ay dadyowgii Hindiya ee xoroobi lahaa u kala miirmeen qaab diineed una kala go’een Hindiya iyo Baakistaan, waxa ay Afgaanistaan doontay in ay dib u hesho dhulka ay degaan Bashtuunka ee Baakistaan, waana sababta ay Afgaanistaan u diidday in la aqoonsado Baakistaan.
Colaaddii halkaas ka abuurantay weligeed ma ay degin, Afgaanistaanna weli ma aqoonsana xadkaas caalamiga ah, ismana ay beddelin aragtida Kaabuul, si kaste oo ay isu beddeshay cidda xukumaysaa. Aqlabiyadda bulsho ee Afgaanistaan oo ah Bashtuun (20 millyan) waxa ay ka hagaagi la’ dahay aqlabiyaddoodii ummadeed (38 milyan) oo tiro yar ku ah Baakistaan (15%). Sidaa darteed, Daalibaan oo ah urur diineed Bashtuun ah, lana sheego in ay Baakistaan soo gacanqabatay, waxa uu markii uu xukunka qabtay ka maray arrintaas isla halkii ay ka mareen talisyadii Shuuciga iyo Boqortooyadii oo waxa mar kaste saameynteeda yeelatay aragtida qoomiyadeed, waana sababta ay colaaddaasi u oogan tahay siddeetan sannadood.
