Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed rasmi ah oo ay kaga hadlayso halka ay marayaan dadaallada wada-tashiga qaranka iyo caqabadaha soo wajahay wada-hadalladii u dambeeyey ee ka socday Villa Somalia.
Dowladda Federaalka ayaa xustay in tan iyo bishii Maarso 2025 ay wadday dadaallo ballaaran oo lagula tashanayo madaxdii hore, bulshada rayidka ah, iyo siyaasiyiinta, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan dhismaha dawladnimo casri ah iyo hirgelinta dimuqraadiyadda dalka.
Iyadoo laga jawaabayay baaqii ka soo baxay “Golaha Mustaqbalka ee shirkii Kismaayo (Diseembar 2025), waxay Dawladdu gogol wada-hadal u dhigtay xubnahaas 18-kii Febraayo 2026. Inkastoo markii hore lagu heshiiyey saddex qodob oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen dhismaha guddiga doorashada iyo qabashada doorashooyinka heer dawlad-goboleed iyo heer federaal, haddana dowladda ayaa sheegtay in nasiib-darro ay in ay miiska soo saarin qoddob aan Dastuuri aheyn oo la xiriira Doorashada Maamulada”
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in albaabbada wada-hadalku ay mar walba u furan yihiin cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal dhab ah oo ku dhisan sharciga iyo dastuurka dalka.
Ugu dambeyntii, Dawladdu waxay ballan-qaaday inay ka go’an tahay hirgelinta doorasho waafaqsan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la dhowrayo midnimada qaranka iyo dhismaha mustaqbal nabad ah oo dimuqraadi ah.
