Magaala Xeebeedka Kismaayo oo xarun u ah maamulka Jubaland waxey 24-kii saac ee la soo dhaafay noqotay mid mashquul badan, waxaana halkaasi ku qul qulaya siyaasiyiinta ugu cad cad Soomaalida, kuwaas oo kismaayo ugu qeyb galaya Shir weynaha golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ah gole ay ku mideysan yihiin mucaaridka iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland.
Xubnaha Mucaaridka ee hortaantii shalay gaaray Kismaanyo ayaa halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey, waxeyna durba magaalada ka billaabeen kulamo ay la yeelanayaan madaxda Jubaland iyo bulshada kismaayo, iyadoo maanta la filayo in ay magaalada tagaan masuuliyiin hor leh.
Shirweynaha galinka danbe ee maanta ka furmaya Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee dalka ka qabsooma mudda xileedka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana shirkani la filayaa in ay soo baxaan Qodobo Xasaasi ah.
Qodobada sida gaarka ah looga lafaguri doono shirweynahan ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, iyo wax ka baddelkii lagu sameeyey qaar ka mid ah qodobada dastuurka.
Golaha mustaqbalka Soomaaliya ayaa shirweynahan ku dooran doona hoggaan, iyadoo lagu wado in ay guddoon u doortaan Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubaland, Axmed Madoobe.
Maaamulka Axmed Madoobe ayaa cod dheer ku sheegay in shirka Kismaayo ee haatan u madlan yihiin mucaaradka ay ujeeddadiisu tahay in dib loo hago jihada siyaasadda qaranka, wuxuuna maamulku xusay in dalka uu u baahan yahay hoggaan mideeya ummadda, kuna hoggaamiya jihada saxda ah.
Xubnaha mucaaridka ayaa kal hore iyaguna sheegay in Soomaaliya ay wajahayso masiibo qaran, taas oo ka dhalatay hoggaan-xumo, iyagoo tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah, isla markaana ay jiraan walaacyo la xiriira ku tumashada dastuurka, ku tagri-fal awoodeed iyo hoggaansamid la’aan nidaamka sharciyeed ee lagu heshiiyay.
Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo Kismaayo, Siyaasiyiinta mucaaridka qaarkood ayaa soo jeediyey in lagu dhawaaqo dhismaha dowlad kale, haddii Dowladda Federaalka ay wada-hadal doorasho furin ka hor bisha Maay 2026, taas oo abuuri karta marxalad is bar baryaac ah, dhalina karta rabshado dalka u horseedo maalmo qaraar.
Madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey xoguhu sheegayaan inuu taageersan yahay shirkan, inkastoo aanu ka qeyb galeynin, waxaana arimahani oo dhan ay dhacayaan xilli waqtigii dastuuriga ahaa ee hay’adaha qaar uu dhammaanayo,” Madaxtooyaduna aanay diyaar u ahayn in ay wada hadal la furto mucaaridka gadoodsan.
Madaxweyanaha Jubaland oo ah ninka wada abaabulka ugu badan ayaa isagoo ka wakiil ah golaha Mustaqbalka waxa uu toddobaadyadii la soo dhaafay kulamo la yeeshay wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah ula fariistay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro iyo Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, kuwaas oo dhamaantood isha ku haya shirka Kismaayo iyo go’aanada lagu gaari doono.
Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shirka Kismaayo waxey ku sheegtay mid ay qabsanayaan siyaasiyiin diidan doorashada qof iyo codka ah iyo in talada dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo ay ku sifeeyeen mid dhaawac ku ah xuquuqda muwaadinka.
Xasan ayaa weli dhagaha ka fureysanaya Mucaaridka iyo maamulada Puntand iyo Jubaland, waxaana guddiga doorashooyinka sida uu shaaciyey khamiista soo socota Muqdisho ka dhaceysa doorashada golayaasha deegaanka, taas oo amnigeeda loo wakiishay booliska Soomaaliya, waxaana doorashada iyo howlaha cod-bixinta lagu soo soo idleynayaa hal cisho, iyadoo la shaaciyey in maalintaas ay Muqdisho wajaheyso bandow.
Marxaladan cagiran ayaa badi shacabka soomaaliyeed ku abuurtay wal wal, waxaana walaac ballaaran laga muujinayaan in muranka jira uu isku baddelo gacan ka hadal carqaladeeya xasilonida kooban ee lagu taamayo.
Si kastaba aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa nasiib darro ku tilmaamaya khilaafaadka dhanka doorashooyinka ee soo noq noqda, kuwaas oo ugu danbeyn qasba in shisheeyuhu uu hago arrimaha masiiriga ah, go’aankiisuna noqdo kan ugu danbeeya ee lagu dhaqmo, taas oo mar walba hoos u dhigta qiymka siyaasiga soomaaliga ah iyo qabkii qaranimo dalka.

