Wakaaladda ayaa xigatay Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar, waxeyna daabacday in dowladda Soomaaliya ay heshiis la saxiixatay Turkiga, kaas oo ay Soomaaliya ku ogolaaneyso in seddex aag laga baaro Shidaal.
Heshiiskan waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, kadib kulanka uu la yeeshay dhigiisa Turkiga Alparslan Bayraktar, waxaana Munaasabada heshiiskan lagu saxiixay ay ka dhacay Istanubul.
Heshiiskan ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in Shidaal laga baaro 3-aag, kuwaas oo kiiba yahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah, sida ku cad warbixinta.
Heshiiskan ayaanan weli si rasmi ah loola socodsiin labada aqal ee Barlamanka, taas oo ay ka dhalan karto kala aragti duwanaasho hor leh, waxaana dhawaan xubno ka tirsan Barlamanka ay dowladda ku eedeeyeen in ay gashay heshiisyo aan Barlamanka la horgeynin.