Badmaaxiintii Markabka Xamuulka ee MV Abdullah ayaa dib ugu laabtay dalkooda, taas oo ka dhigan in ay dib ula midoobeen qoysaskooda.
Markabka MV Abdullah ayaa bishii April ay afduubteen Burcad Badeed, waxaana la socday 23 badmaax oo u dhashay dalka Bangladesh.
Wararka ayaa sheegaya in iminka markabkaasi iyo shaqaalihii la socday ay gaareen xirtay Dekedd ku taalla magaallada Chattogram ee Xeebaha K/Bari ee dalka Bangladesh.
Burcad badeedii Markabkan af duubatay ayaa la siiyey lacag madax furasho ah oo dhan 5-milyan oo doolar, waana sababta soo de dejisay in ay fasaxaan markabka iyo shaqaalihii saarnaa, kadib 32 casho.
Saameynta Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo kordheysay bilihii ugu danbeeyey, waxaana ay qaadayeen dhowr weerar oo ay ku qafaalanayaan Maraakiibta shisheeye ee ku sugan hareeraha xeebaha Soomaaliya.