(Hortabin Media) – Dowladda Mareykanka, ayaa shaacisay in seddex milyan oo dollar ay ku dooneyso xota hoggaamiye sare oo ka tirsan Al Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir loona yaqaano (Ikrama).
Sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ninkan ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu halista badan Al Shabaab.
Ikrama ayaa sida la sheegay horey u abaabulay weeraro kala duwan, isagoo kaalin weyn ka qaata qorista dhallinyarada Kenyanka ee ku biiraya Al Shabaab.
Sida qoraalka Mareykanka ka soo baxay lagu xusay, Ikrama ayaa horey usoo noqday madaxa howlgallada iyo saadka ee kooxda Al Shabaab.
Mareykanka ayaa raadinaya hoggaamiyayaal badan oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo uu dul dhigay lacago malaayiin ah, isagoo u aqoonsaday in ay yihiin argagixiso caalami ah oo dhibaato ku haya Soomaalida.
WQ: Ayaanle Qoyste