Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal ah oo dhawaan ka soo ambabaxay dalka Venezuela, sida ay xaqiijisay Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS).
Markabkan ayaa lagu qabtay xeebaha Mareykanka, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid ah maraakiibta qaada shidaalka ee si dhow loola socday dhaqdhaqaaqiisa.
Qabashada markabkan ayaa noqotay tii labaad ee nooceeda ah bishan gudaheeda, kaddib markii horey Mareykanku u qabtay markab kale oo shidaal siday, taasoo muujinaysa adkeyn dheeraad ah oo lagu sameynayo la socodka maraakiibta ka imaanaya ama u socda Venezuela.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Talaadadii shaaciyay in uu amar ku bixiyay in la xayiro dhammaan maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya ama ka baxaya Venezuela, isagoo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga qaranka iyo cadaadinta dhaqaale ee lagu saarayo xukuumadda Caracas.
Ilaa iyo hadda, dowladda Venezuela kama aysan hadlin qabashadii ugu dambeysay ee markabkan shidaalka, hase yeeshee waxay horey ugu eedeysay Washington inay damacsan tahay inay xado kheyraadka shidaalka dalkaas, isla markaana ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Venezuela.
Qabashada maraakiibta shidaalka ayaa sii kordhin karta xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Venezuela, xilli ay horay u jireen cunaqabateyn dhaqaale iyo khilaaf siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay.

