Maraykanka ayaa dhiggiisa Ruushka ku eedeeyay in uu Kooxo Calooshood u shaqaystayaal ah kasoo qoranayo Dalka Yemen si ay qayb uga noqdaan Dagaalka uu kala soo horjeedo Waddanka Yemen sida hadalka loo dhigay.
Wargayska Financial Times ayaa daabacay xogta Dadkaan Yemen laga keenay ee gaaray Ruushka isla markaana loo ballanqaaday lacag ay qaadanayaan haddii ay qayb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Ruushka.
Saraakiil katirsan Dowladda Maraykanka ayaa sheegay in ay hayaan xog badan oo la xiriirto arrintaan, waxaana kamid ah xubnaha loo qaaday Ruushka qaar kamid ah dagaalamayaasha Kooxaha Xuutiga ah.
Macluumaadka lagu qoray Wargayska Financial Times ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Moscow ay qoratay kooxo calooshood u shaqaystayaal oo u kala dhashay Nepal, India, Waqooyiga Kuuriya iyo Dalal kale.
Moscow ayaa dhammaan macluumaadkaas la xiriira in ay adeegsaneyso Kooxo Calooshood u shaqaystayaal ah si ay u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Ukraine, balse Ruushka ayaa tilmaamay in awood ahaan uu ku filan dagaalkaas.