Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa ka warbixiyay duqeyn cirka oo ay ka fuliyeen deegaanka Ugunji oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta dhanka cirka ah ay ka dhacday deegaanka Ugunji 10-kii bishaan oo ku beegneyd Sabtidii la soo dhaafay.
Taliska AFRICOM ayaa tilmaamtay in duqeynta ay ahayd mid ku timid codsi uga yimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana lagu dilay seddex ka mid ah Al-shabaab.
Warkaan ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka shacab ah, hase ahaatee weli Al Shabaab wax war ah kama soo saarin arrintan.