Dowladda Mareykanka ayaa billawday wada-hadal toos ah oo ay la yeelaneyso ururka Xamaas, xili ay meesha ka maqan tahay Israa’iil, waana tallaabo sida muuqata waji-gabax ku ah Israa’iil.
Mareykanka ayaa kala xaajoonaya Xamaas sidii loo sii deyn lahaa maxaabiista Mareykanka ah ee ay gacanta ku hayaan iyo in la gaaro heshiis waqti dheer oo xabbad-joojin ah, sida ay ku warrameen wakaaladda wararka ee Reuters iyo warbaahinta Axios.
Sida la sheegayo Wada-hadalkan ayaa noqonaya midkii u horreyay ee taariikhda oo dhan uu Mareykanku la yeelanayo ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta, halka maamulka Trump uu yahay maamulkii u horreyay ee Mareykanka oo wada-hadal toos ah la yeelanaya Xamaas , tan oo ah wax aysan horey u arag Israa’iil.
Israa’iil dhankeeda saraakiil u hadlay waxa ay sheegeen in ay wada-hadalkan ka war hayaan, hase ahaatee wey ka gaabsadeen inay cambaareeyaan, sida tabiyeen qaar ka mid ah warbaahinada caalamiga.
Egayga gaarka ah ee arrimaha maxaabiista ee madaxweynaha Mareykanka , Adam Boehler ayaa la sheegay inuu magaalada Dooxa kula kulmay saraakiil ka tirsan Xamaas , si ay u billaabaan wada-xaajoodka sii deynta maxaabiista Mareykanka , halka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt ay xaqiijisay maanta in Maraykanku uu wadahadal toos ah la yeelanayo Xamaas, iyagoo si cad u sheegay in quseyso arrintan badbaadinta nolosha muwaadiniin Mareykan ah, waxeyna Mareykanku xuseen in Netanyahu aanu dan ka lahayn nolasha maxaabiista Mareykan ah.
Si kastaba 59 maxaabiis ayaa weli ku harsan gacanta Xamaas. Ciidamada Israa’iil ayaa horey u xaqiijiyay in 35 ka mid ah ay dhinteen! Sirdoonka Israa’iil ayaa dhankooda soo bandhigay inay aaminsanyihiin in 22 ka mid ah maxaabiista ay wali noolyihiin, kuwaasoo ay ku jiraan 5 maxbuus oo Mareykan ah.