Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay baarayso wararka sheegaya in dhaqaale laga uruuriyay Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota loo weeciyay ‘AS’ kaddib markii ay soo baxeen warbixinno arrintaan sheegaya oo ka yimid dhinaca Maamulka Trump.
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent ayaa sheegay in uu socdo baaritaan lagu sameynayo eedahaas la sheegay in ay yihiin kuwo ciqaab adag ka dhallan doonta haddii la caddeeyo laguna maxkamadayn doonno ciddii ka dambeysay.
Maamulka Donald Trump oo damacsan in uu Gobolka Minnesota ka masaafuriyo Soomaalida ku nool halkaas ayaa muddo labo todobaad ku siman waxa uu soo saaray warar miisaan culus leh oo dhibaato ku ah Bulshada Soomaaliyeed ee Gobolkaas.
Scott ayaa intaas ku daray in baaristu ay noqon doonto mid ballaaran oo lagu gaarayo xaqiiqada tuhunkaan sii xooggaystay ee bannaanka usoo baxay, waxa uu Minnesota ku tilmaamay in ay tahay xarun dhaqaalaha shari darrada ah & mid lagu dhaqo.
Waxa uu sheegay in Natiijada dib loogu soo bandhigi doonno waa marka uu soo idlaaday baaristooda sida uu sheegay, waxaana uu intaas ku daray in sanadihii dambe ay sii kordhayeen Soomaalida Minnesota ku sugan.
Xildhibaanno ku xisbi ah Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa u gurbaan tumaya ololaha ka dhanka ah Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota, waxaa soo baxaya xogaha sheegaya in arrintaan loo samaynayo Ilhaan Cumar Darteed oo codkooda kursiga ku joogta.

