Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa Nusrat Choudhury u magacaabay in ay xubin ka noqoto Maxkamadaha heer fedraal ee dalka Mareykanka.
Gollaha Sanetka Mareykanka oo ay ka soo hor muuqatay si ay kalsooni uga hesho, ayaa tiro yar ku ansixiyey, waxaana oggolaaday in ay masuuliyadaas qabato 50 ka mid ah boqolka xubnood ee golaha, halka 49 kalana ay diideen.
Nusrat Choudhury oo asalkeedu yahay Bangladeshi ayaa fariisan doonta maxkamad degmo oo fedraal ah, taas oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Gabadhan ayaa horey xilil muhiim ah uga soo qabatay isbaheysiga u dooda xoriyada madaniga ee fadhigisu yahay Illinois, waxeyna iminka noqoneysaa gabadhii ugu horeysay ee muslin ee xubin ka noqota maxkamadaha heer fedraal ee dalka Mareykanka.
Chuck Schumer oo ah Guddoomiyaha aqlabiyada golaha Sanetka ayaa bogaadiyey howsha loo igmaday Nusrat, isagoo ku sifeeyey qof leh waaya aragnimo shaqo, iyo hufnaan daacanimo, taas oo fududeyn karta in ay si habsami leh uga soo dhalaalsho masuuliyada loo igmaday.