Waxaa meel qaraar mareysa dirirta u dhaxeysa beelo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaallamay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Beelahan ayuu dagaalkoodu socdaa muddo toddobaad ku dhaw, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac.
Maleeshiyo beeleedyadan ayuu xitaa dagaalkoodu gaaray in ay iska gubaan aqalada, waxaana jira tacadiyo kufsi ah oo loo geystay haween u kala dhashay beelaha is haya.
Waxaa iminka xaaladda ku baxay siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha is haya, iyadoo iminka la dhex dhigay ciidamo kala ilaaliya labada beelood ee ay colaadu u dhaxeyso.
Siyaasiyiin iminka xilal ka haya dowladda iyo kuwo hore uga soo qabtay ayaa ku maqan halka uu dagaalku ku dhex maray beelahan walaalaha ah, iyagoo qorsheynaya in ay xaliyaan xiisada u dhaxeysa labada beelood.