Wal wal iyo walbahaar aad u culus ayey xiligan ku sugan yihiin dadka ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Magaaladan oo xarun u ah maamulka Koonfur galbeed ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay roobabkii deyrta ee da’ay bishan November.
Inta badan xaafadaha Magaalada Baydhabo waxaa buux dhaafiyey biyaha, waxaana xayirmay isku socodkii dadka iyo gaadiidka, taas oo kordhineysa wal walka hareeyey dadka reer Baydhabo.
Dadka Baydhabo badankood ayaa u barakacay duleedka Magaalada, halkaas oo iyana laga cabsi qabo in ay daadadku gaaraan.
Maamulka Koonfur Galbeed oo kormeer ku sameeyey xaaladda ka oogan Baydhabo, ayaa muujiyey walaac aad u fara badan, taas oo ka fog awood ahaan mid ay wax ka qaban karaan.