Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa u ambabaxay dalka Tanzania halkaas oo uu uga qayb-geli doono shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacaya magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Madaxweynaha ayaa madaxda dalalkaas uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya gaar ahaan dhanka wax-soosaarka, maalgashiga iyo dadaallada dhiirri-gelinta mudan ee ganacsatada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya in Soomaaliya ay ku biirto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) taas oo Soomaaliya u sahli doonta inay ka faa’idaysato fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC).