Sida ay ogaatay Hortabin Media Kulan qarsoodi ah oo ay albaabadu u xiran yihiin ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed.
Kulankan ayaa looga arrinsaday sidii looga wada hadli lahaa arrimaha Dastuurka, oo iminka siyaasiyiinta diidan uu ka mid yahay Shariif Sheekh Axmed.
Labada Madaxweyne ayaa isku raacay in kulanka la ballaariyo, isla markaana ay ka soo qeyb galaan siyaasiyiinta Mucaaridka ee diidan arrimaha dhameystirka Dastuurka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii kulanku socday muujiyey sida uu u doonayo in talada lala yeesho, wuxuuna Shariif kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo isku soo dhaweynta Villa Soomaaliya iyo Mucaaridka.
Siyaasiyiinta mucaaridka ayaa badankooda ku sugan Kenya, waxaana kulanka horudhaca ah ee labada Madaxweyne uu ku soo beegmayaa xilli la meel mariyey 4 cutub oo ka tirsan Dastuurka Soomaaliya.