Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 3-aad ee Barlamanka Soomaaliya oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha labada aqal ee Barlamanka, iyadoo kulanka ay goobjoog ahaayeen wafdi ka socday Balamanka Jabuuti iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Soomaaliya oo qudbad dheer ka jeediyey furitaanka kalfadhigan ayaa ka warbixiyey heshiiskii ay dhawaan wada gaareen gollaha wadatashiga qaran iyo muhiimada uu u leeyahay arrimaha la xiriira dowlad dhiska Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabo kasta oo loo qaadayo arrimaha dimuqoraadiyada iyo ka dhabeynta doorashooyinka qof iyo cod ay ku xiran tahay dhameystirka dastuurka qabyo qoraaalka ah, wuxuuna xubnaha labada aqal ka codsaday in ay de-dejiyaan hirgalinta dastuurka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubnaha labada aqal ee Barlamanka ka hor sheegay heshiiski siyaasadee ee ay wada gaareen gollaha wadatashiga qaran la hor keeni doona Barlamanka Soomaaliya, si ay go’aan uga gaaraan.
Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Sheekh Aaden Maxamed Nuur Sheekh Aaden Madoobe oo kulanka maanta ka hadlay, ayaa hoosta ka xariiqay qodobada ugu muhiimsan ee diirada lagu saari doono kalfadhigan 3–aad, oo ay ugu horeeyaan dhameystirka dastuurka qabyo qoraalka ah.
Gudoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in inta lagu guda jiro kalfadhiga 3-aad loo baahan yahay in xooga la saaro sidii dalku ku yeelan lahaa garsoor madax bannaan, loona wanaajin lahaa xiriirka dowladda dhexe iyo maamullada xubnaha ka ah.