Madaxweynaha Soomaliaya Xasan Sheekh ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb halkaas oo la sheegay in Madaxweynuhu uu fariisin ka dhigan doono, inta uu socda dagaal lagu wado in Al Shabaab looga saaro meelaha ay kaga sugan yihiin maamullada Hirshabelle iyo Galmudug .
Haddaba tagintaanka Madaxweynaha ee Magaalada Dhuusamareeb muxuu ku soo kordhin karaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee la filayo inuu dhawaan halkaasi ka billawdo, waxaa arrintaasi aragtidooda ka dhiibtay siyaasiyiin iyo qubaro amni
Korneyl Cabdulaahi Macow oo hore uga tirsanaa sirdoonka Soomaaliya, ayaa sheegay in Al Shabaab sida looga bartay aanay dagaal toos la gali doonin ciidamada dowlada, isla markaana ay baneyn doonaan deegaanada ay iminka ku sugan yihiin balse goobaahasi marka ay ciidamadu gacanta ku dhigaan kadib ay macquul tahay in weeraro rogaal celis ah ay ku soo qaadaan.
Siyaasyiinta soo dhaweeyey in Madaxweynuhu uu xarun kmg ah ka dhigto magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah Axmed Cabdulaahi oo horey wasiir ku xigeen uga soo noqday maamulka Galmudug.
La taliyaha arrimaha bulshada ee Madaxweynaha Galmudug Axmed Shire Falagle oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa si kooba uga waramay qaabka uu usocda diyaargarow gulufka ka dhanka ururka Al Shabaab.
Deegaanno ka tirsan Hirshabelle oo ay weli baaqi ku yihiin Al Shabaab ayaa ka mid ah meelaha lagu wado in ciidamadu ay wajahaan, waxaase qubaradu amnigu ay ku talinayaan in marka hore la dhameeyo khilaafka u dhaxeeya maamulka hirashabelle, sida uu tilmaamao axmed cabdulaahi kaboole oo siyaasada iyo amniga ka bartay jaamacada difaaca ee dalka Sweden.