Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar, halkaas oo ay uga billaabaneyso booqosho rasmi ah.
Booqshada Madaxweynaha ayaa qaadaneysa muddo 2 casho ah, wuxuuna marti qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Tamiim Binu Xamad, oo ay ka wada hadli doonaan arrimo ku qotoma, kobcinta xiriirka labada dal, amniga iyo hirgalinta heshiisyadii ay hore u wada galeen Soomaaliya iyo Qatar.
Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar ayaa sidoo kale kulankooda diirada ku saari doono, qodobo ku saabsan, maalgashiga, Waxbarashada iyo dhaqaalaha, waxaana gunaanadka ay dhinacyadu kala saxiixan doonaan heshiisyo danaha labada Dowladood.
Qatar ayaa dalka ka wada mashaariic horumarineyd, kuwaas oo iminka ay ku howlan tahay dhameystirkooda.
Dowladaha Khaliijka ayaa sanadihii ugu danbeeyey daneynayey siyaasada Soomaaliya, waana kuwo taageero kala duwan siinayey Dowladihii dalka soo maray.