Madaxweynaha dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuduu ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ergay ka socday dalka Sudan, oo ay iminka ka socdaan dagaallo xooggan.
Ergayn oo si gaar ah uga socday golaha sare ee dalka Sudan, ayaa lagu magacaabaa Dafcallah Al Xaaji Cali, waxeyna Madaxweynaha ka wada hadleen arrimo dhowr ah, oo waqtigan muhiim u ah labada dowladood
Kulanka ayaa si gaar ah diirada loogu saaray, dagaallada ka socda dalka Sudan, iyo doorka nabadeynta ee ay ku yeelan karto dowladda Soomaaliya, oo kal hore ku baaqday in tabashada lagu xaliyo wada hadal
Kulanka Madaxweynaha iyo danjiraha, ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dowladooda.
Sudan ayaa ka mid ah dalalka ay bulshada Soomaaliyeed u carartay bur burkii kadib, waxaana xusid mudan in jaamacadaha dalkaasi ay wax ka bartaan kummaaan dad oo Soomaaliyeed, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay horey uga aflaxeen.
Xaaladda Sudan ayaa weli cakiran, waxaana Socda dagaallada ay isaga soo horjeedaan labada Jeneral ee lagu kala magacaabo: Cabdul-Fataax Al Burhaan iyo Maxamed Xamdan Dagalo, waxaase la filayaa in dhawaan uu sacuudiga marti galiyo wada hadalo toos ah oo ay labada nin yeelanayaan, kuwaa oo aan la ogayn waxa ka soo bixi doona.