Masoud Pezeshkian oo loo doortay Madaxweynaha Dalka Iran, ayaa si cad u bidhaamiyey taageerada uu dalkiisa ula heeganka yahay kooxda Islaamiga ee Xisbulah.
Madaxweynaha Iran ayaa sidoo kale dhaleeceeyey Israa’iil oo uu ku tilmaamay in ay wado xasuuq, aan indhaha laga qabsan karin, kaas oo lagu leynayo dadka rayidka ah.
Xukuumada Tehran ayaa sheegtay in ay Xisbulah la garab taagan tahay taageero dhaqaalle iyo mid milatari, waana qorshe la abuuray hindisaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ka dib markii ay Israel ay dul-martay Beirut 1982-kii intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Lubnaan, waxaa sidaasi lagu daabacay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.
Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee siyaasada arrimaha dibadda uu ka yiraahdo Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, kaas oo intaasi ku daray in Xisbulah ay awoodo iska caabinta Israa’iil.