Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare ayaa warbxin ku aaddan hawlaha la xiriira dhismaha hay’adda iyo doorkeeda shaqo ka dhagaystay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali iyo xubno ka tirsan Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA).
Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u leedahay dhismaha hay’addan oo door wanaagsan ka qaadan doonta soo saarista xisaabiyeyaal la aqoonsanyahay oo xirfad sare leh kuwaas oo qayb ka noqon doona dadaallada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo abuurka, hufnaanta hay’adaha maaliyadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa dhankooda hoosta ka xariiqay in la dardargaliyo dhammaystirka dhismahaha hay’adda waxayna xuseen in hay’adan ay kaalin weyn ka qaadan doonto sare u qaadida kalsoonida iyo hufnaanta nidaamka maaliyadda ee dalka maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar dhinacyo badan leh.
Maxamed Xuseen, Muqdisho