(Hortabin Media) – Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo shalay ka hadlay Munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa hadal gaf ah ku yidhi saxaafada Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay kuwo isbaariistayaal ah.
Taliyaha ayaa sheegay in in shaqadii Garsoorka iyo Hey’addaha Amnigu ay la wareegeen Saxaafadda, taas oo iyaduna ah eed ballaaran oo uu saxaafada dusha uga tuuray.
Weedhaha uu adeegsaday macalin mahdi oo laga dheehanayey naceyb aad u weyn, ayaa u muuqday mid uu ku diidan yahay in saxaafadu ay u qareemaan ama ka hadlaan dhibta bulshada ku hayaan hay’adaha amniga.
Bahda Saxaadada Soomaaliyeed ayaa hadalka ayaa hadalka taliyaha ku macneeyey mid iska horkeenaya saxaafada Soomaaliyeed iyo gulufka uu madaxweynuhu ku dhawaaqay oo ay warfidiyeenadu laf dhabar u ahaayeen tan iyo billawgiisii.
Warfdiyeenada Soomaaliyeed oo si dhab ah u garab taagan gulufka uu Madaxweynuhu ku baaqay, waxa ay ilaa maanta ku jiraan furimaha hore ee dagaalka, si ay bulshada ula wadaagaan xogta ku saabsan dagaalka, waxaana qaarkood soo gaaray waxyeelo kala duwan.
Warfidiyeenadii ay waxyeeladu soo gaartay waxaa laga xusi karaa Cabdi ismaaciil oo ah wariye Shabelle Radio uga howlgalayey goboladda dhexe, kaas oo ku dhaawacmay qaraxii la rabay in lagu qaarajiyo Madaxweynaha Galmudug iyo Mas’uuliyiintii kale.
Si kastaba hadalka ayaa utun ku noqday saxaafada Soomaaliyeed, waana hadalkii ugu horeeyey oo uu goob maxfal ah ka yiraahdo masuul dowladeed, isagoo u gafaya warfidiyeenada Soomaalida oo marxalad adag ku shaqeynaya.