Ciidamo ka tirsan ciidamada Puntland oo isticmaala maandooriyaha khamriga loo yaqaan ayaa habeenkii fara kulul ku haya amniga Garoowe.
Rasaas xooggan ayaa xalay laga maqlay xaafado kamid ah magaalada Garoowe, waxaana wararku sheegayaan in ay ridayeen Askat ka tirsan ciidamada Puntland oo isticmaalay maandooriyaha ee Khamriga.
Rasaastii la is weydaarsanayey qaarkeed ayaa ku dhacday guryo ay dagan yihiin dad rayid ah, taas oo sababtay in ay rayidku barakacaan.
Kooxaha ka tirsan ciidamada ee isticmaala maandooriyaha Khamriga ayaa si joogta ah habeen kasta rasaas aan loo meel dayin la dhacaya xaafadaha kala duwan ee Garoowe, taasi oo aysan waxba ka qaban xukuumadda Madaxweyne Deni.
Dhawaan ayay ahayd markii , xabbad wiifto ah oo la Aamin san yahay in ay rideen kooxo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya ee Garoowe ayaa xilli habeen ah madaxa kaga dhacday gabar 14 jir oo gurigooda huruday.
Gabadha oo lagu magacaabo Isra Cabdirashiid Siciid ayay madaxa fariisatay xabbaddu, waxaana la sheegay in weli loo la’ yahay kharash lagaga soo saaro xabbadda, maadaama ay dhaleen qoys danyar ah.