Tallaabadan ayaa aheyd tii ugu dambeysay ee madaxweyne Donald Trump uu ku doonayay in uu meesha kaga saaro kaddib markii ay ku eedeeyeen “xagjirnimo”.
Kari Lake oo ah ku-simaha agaasimaha guud ee VOA ayaa sheegtay in go’aankan uu “yarenayo qaab dhismeedka shaqo isagoo sidoo kale badbaadinayo lacagta sida adag ku soo gashay shacabka Mareykanka”.
Urur wakiil ka ah shaqaalaha ayaa qoraal ay ku qoreen New York Times ku tilmaamay go’aankan mid sharci darro ah.
VOA waxaa la sameeyay intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka si looga hortago dacaayadii Naziga, waxayna noqotay warbaahin caalami ah.
Wakaalada warbaahinta USAGM oo xarunta dusha ka maamuleysay ayaa sheegtay in shaqaale tiradoodu gaareyso 532 la ruqseeyay oo inta badan ahaa shaqaalaha VOA.
Inta badan shaqaalaha VOA ayaa fasax mushaarkoodu u socda ku maqnaa laga bilaabo ilaa iyo bishii Maarso. Idaacada ayaa baahin jirtay ilaa iyo 50 luuqadood.