Kadib hadal kulul oo shalay ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaa arrintaasi ku jawaabay maamulka Jubaland, kuwaas oo eedo hor leh usoo jeediyey dowladda dhexe.
Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar, Wasiirka Warfaafinta Jubaland, oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa xusay in dastuurka Jubbaland uu qabo in ay iyagu qabsan karaan doorasho, wuxuuna dhaleeceeyey hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda fedraalka ay ku tumaneyso Dastuurka, taas oo uu ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin, wuxuuna qorshahooda doorashada ku macneeyey mid xalaal ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse uu shalay ku doodayey in Jubaland ay doorasho qabsan karto una madax bannaan tahay, wuxuuse is weydiiyey waxa maanta baddelay fekirkii uu qabay ka hor inta aanu noqon Ra’iisul Wasaare.
Ugu danbeyntii Wasiirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha uu Xamse huwiyey Axmed Madoobe, wuxuuna ku baaqay in talada loo dhan yahay la isugu soo noqdo, isagoo intaasi ku daray in aanay jirin cid go’aamin karta nooca doorasho ee uu dalku u dhaqaaqayo.