Doorashada madaxweynaha waxa ay dhacaysaa 5-ta Noofembar ee soo socota . Waxaa jira xaqiiqooyin aanay dad badan ka dheregsaneyn oo doorashada Mareykanka ku xiriira.
Marka laga tago tartanka ugu weyn ee loogu galo xafiiska Madaweynaha, oo hadda ay u baratamayaan madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris iyo madaxweynihii hore Donald Trump – waxaa jira codad kale oo dadku ay ku kala dooranayaan, xafiisyada dadweynaha ee kala duwan, heer gobol ilaa degmo.
Xiiliga doorashada waxaa sidoo kale miiska saran oo la soo dooranayaa dhammaan 435-ta kursi ee Golaha Wakiilada , sida labadii sanaba mar loo soo doorto.
Aqalka Senetka, oo ay xubnuhu ay shaqeeyaan lix sano, ayaa 34 ka mid ah 100-ka kursiga Aqalkan ay sidoo kale sanadkan miiska saaranyihiin oo la soo dooranayaa
11 kursi oo kuwa gudoomiyeyaasha gobolada ah ayaa miiska saran. Waxa kale oo jira kumannaan tartan oo dowladaha hoose iyo xafiisyada mayarada ah oo tartanka ku jira.
Dalkan Mareykanka dadka badankood waxay goobaha codbixinta tagaan maalinta 5ta ay tahay bisha November ee afartii sanaba mar xilliga doorashada.
Dadku sidoo kale waxay fursad u helaan inay codadkooda sii dhiibtaan, waxaana Qaarkood ay codkooda dhiibteen iyagoo dalka ka maqan, halka ay boostaha ku soo direen.
Todobada gobol ee codadkoodu cidii heshaa ay guuleysato ayaa kala ah: Pennsylvania, Georgia, North Carolina, Michigan, Arizona, Wisconsin iyo Nevada.
Goboladan wey isbedelaan, waana sababta loogu bixiyay Swing States – ama gobolada codadkoodu guur guuraan. Goboladan taageerayaasha labada xisbi ayaa aad isugu dhow.
Doorashadan waxaa codeyn kara muwaadin kasta oo heysta dhalashada Mareykanka oo gaaray da’a 18 jirka oo ay ku jiraan kuwa maalinta doorashadu dhaceyso 18 sana jir noqda, oo buuxiyey shuruudaha.
Shuruudaha waxaa ka mid ah in codbixiyuhu la diwaan geliyo, uuna ku codeeyaa waqtiga kama dambeysta ah oo ah 5ta November, iyadoo saacad ahaan goboladu ay kala duwanyihiin.
Gobollada qaar ayaa qaba sharciyo xaddidaya in dadka lagu xukumay dembiyada culus, iyo kuwa maskaxiyan dhiman ay codeeyaan.