Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegayaa inuu waqtigan ka caga jiidayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya.
Cabdicasiis Lafta-Gareen oo ay kal hore wada hadleen Madaxweynaha ayey xoguhu sheegayaan inuu buriyey dhamaan heshiisyadii ku aaddanaa in ay Koonfur Galbeed ka billaabato dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.
Sida xogaha rasmiga ah ay sheegayaan, wuxuu Lafta-Gareen toddobaadkan gudihiisa diiday in ciidamo ka tirsan dowladda la geeyo deegaanada Koonfur Galbeed, taas oo sababtay khilaaf soo kala dhex gala isaga iyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Lafta-Gareen ayaa ciidamadaasi baqdin ka muujiyey, wuxuuna soo diray codsi ah in Koonfur Galbeed iyada fursad loo siiyo in ay iska caabiso Al Shabaab, taas oo ah arrin aanan u cuntameyn Villa Soomaaliya oo dooneysa in dagaalka Al Shabaab lagu soo gebagabeeyo Waqti Kooban.
Arrintan ayaa adkeyneysa xiriirka Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe, xilli uu hore khilaaf culus uga dhex aloosnaa Puntland iyo Villa Soomaaliya, lamana ogga halka uu ku biyo shuban doono khilaafkan dhawaan galka ah.