(Hortabin Media)- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa gaaray Magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay, oo ka mid ah meelaha sida aadka ah ay Al Shabaab dhibaatada ugu hayaan.
Madaxweynaha ayaa durba billaabay kulamo uu la yeelanayo waxgaradka iyo saraakiisha ciidamada Magaaladaasi.
Tallaabada uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku tagay Buurhakaba ayaa muujineysa in ay dhawdahay billaabashada wajiga labaad ee dagaalka Al Shabaab, kaas oo xooggiisa lagu wado inuu ka dhaco maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.
Qeybo ka mid ah gobolka Bakool, ee Koonfur Galbeed, waxaa muddo dheer go’doon ku haya kooxda Al Shabaab, waxaana magaalooyinkaasi ka mid ah Qansax dheere iyo Waajid oo 15 sano go’doon u ah kooxdaasi.