Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Shirka ayaa ugu horrayn warbixinta amniga looga dhagaystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga oo golaha la wadaagay abaabulka iyo diyaar-garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Argagixisada.
Waxa sidoo kale golaha loo qeybiyay heshiis iskaashi dhanka difaaca ah oo u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyo siyaasadda dawladda ee baraha Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada.
Xukuumadda Soomaaliya ayey horyaalaan howlo muhiim ah, oo ay ugu horeyso diyaarinta doorasho hufan, maddaama ilaa iyo iminka aan la aqoon nooca doorasho ee uu dalkan u jiheysanyo.