Xilli lagu guda jiro 16-ka maalmod ee ka hortaga tacadiyada loo geysto haweenka ayaa Magalada Muqdisho lagu qabtay kulan looga hadlayey dhibaatooyinka uu leeyahay gudniinka fircooniga, iyo sidii looga wacyi galin lahaa bulshada. waxaana kulanka soo qaban qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.
Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Haween kala duwan oo ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Culumaa’udiin ayaa sidoo kale diirada lagu saaray u qareemida ansixinta dowlada ee sharciga cirib tirka gudniinka fircooniga, oo ah mid muhiimad gaar ah u leh hakinta kiisaska gudniinkan la xiriirka.
Agaasimaha wasaarada qoyska iyo xuquuqul insaanka Maxamed Bashiir Cumar oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyey haweenkii iyo hay’adihi caalamiga ahaa ee qabsoomida kulankan kaalinta weyn ka qaatay.
Sidoo klae Agaasimaha Waaxda Horumatrinta arrimaha Haweenka ee Wasaarada Qoyska, Sacdiya Maxamed Nur, ayaa madasha ka sheegtay ahmiyada uu leeyahay ansixinta sharciga ciribtirka gudniinka fircooniga, wana dhanka kale ay u bogaadisay dadaalka ay wadaan culuma’udiinka Soomaaliyeed ee lagu wacyi galinayo bulshada Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah haweenkii ka soo qeyb galay kulanka ayaa ugu danbeyntii carabka ku dhuftay dhibaatooyinka uu leeyahay gudniinka fircooniga iyo sida ugu fudud ee loo cirib tiri karo, iyagoo si ballaaran uga warbixiyey dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha da’da yar ee lagula kaco gudniinkan.
Inkastoo gudaha Soomaaliya ay sii yaraaanayaan kiisaska la xiriira gudniinka fircnooga, haddana waa dhaqan ay weli ku dhagan yihiin waalidiin badan oo Soomaaliyeed oo badankood ku nool goobaha miyiga ah, balse kulankan iyo kuwa kale oo wacyi galin ah ayaa la rumeysan yahay in door muuqda ka qaadan karaan hakinta gudniinkan.