Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh ayaa magaalada Laascaanood ka wada kulamo looga hadlayo dardar galinta dhismaha maamulka SSC Khaatumo.
Wasiirka ayaa la kulmay siyaasiyiinta iyo hoggaanka dhaqanka SSC-Khaatumo, isagoo kala hadlay nabadeynta, midnimada iyo dib u heshiisiinta deegaanka.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in dhammaan kulamadaasi la isku fahmay, isla markaasna dhawaan la qaban doono shir waynaha dhismaha dowlad goboleedka SSC Khaatumo.
Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka socda qaban-qaabada qabashada shirwaynaha oo dib u dhac uu ku yimid, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta maamulka SSC Khaatumo.