Xaaladda degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa laga deyrinayaa, xilli saacadihii la soo dhaafay duleedka degmadaasi ay Al Shabaab ka sameysteen fariisimo.
Kooxda ayaa habeen ka hor sidoo kale weerar madaafiic ah ku garaacday saldhiga ay ciidamada ATMIS ka dagan yihiin dagmadaasi, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Waxaa xusid mudan in Kowdii bishan ay Al SHabaab sidoo kale weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ku lahaayeen Qoryooleey.
Dagaal culus oo halkaasi ka dhacay ayaa keenay in duqeymo dhanka cirka ah lagu kala eryo kooxdii weerarka soo qaaday, waxeyna dowladda Soomaaliya sheegtay in ay halkaasi ku dishay 30 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.
Sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen kooxda ayaa waqtigan qorsheyneysa in ay degmada go’doomiyaan, sidii ay sameeyeen sanadkii 2015-kii, waana arrin saameyn ku yeelaneysa tacabka beeraha, maaddaama dadka halkaasi ku dhaqan ay u badan yihiin beeraleey suuqyada dalka u iib keena dalagyada usoo go’.