Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo bandhigay xubno ka soo goostay Al Shabaab, kuwaas oo shalay galinkii danbe isku soo dhiibay Maamulkaasi.
Ragga Al Shabaab ka soo goostay oo ay tiradoodu gaaryso ilaa 10 dagaalyahan, ayaa ka tirsanaa kooxda Jabhada Al Shabaab ee u tababaran sida millatariga.
Ragga isi soo dhiibay qaarkood oo warbaahinta la hadlay, ayaa carabka ku dhuftay, in ay ka soo dagaallameen, gobollada Jubooyinka, Shabeelaha Hoose, iyo Bay.
Sababaha ugu waa weyn ee ay isku soo dhiibeen raggan ayey ku sheegeen, culeys dhanka nolosha iyo dhaqaalaha ah, oo dhawaantan la soo gudboonaaday xubnaha ka tirsan Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa bilihii ugu danbeeyey caddaadis adag kala kulantay dowladda Soomaaliya, waxaana la cuuryaamiyey dhaqaalihii ay ka qaadan jireen ganacsatada, iyadoo laga saaray deegaanno badan oo ka tirsan maamullada Hirshabelle iyo Galmudug.