(Hortabin Media) – Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay hay’ada nabad sugida maamulka Jubaland, waxaa saacadihii la soo dhaafay la fashiliyey qarax miino oo lagu aasay mid ka mid ah wadooyinka magaalada Kismaayo.
Howlgalka qaraxan looga hortagay ayaa waxaa fuliyey ciidamada nabad suigda Jubaland, waxaana halkaasi laga soo saaray miinadii, iyadoo lagu daba jiro kuwii ka danbeeyey falkan.
Ciidamadan hay’ada nabad sugida Jubaland ayaa u mahadceliyey, dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo, kuwaas oo sida ay sheegeen la soo wadaagay xogta ku aaddan miinada lagu aasay mid ka mid ah wadooyinka magaaladaasi.
Qoraalka ka soo baxay hay’ada nabad sugida Jubaland ayaa lagu sheegay in falkan ay ka danbeeyeen xubno ka tirsan Al Shabaab, oo qorsheynayey in ay dhibaateeyaan dadka rayidka ah.
Al Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaanada maamulka Jubaland, waxaanay ka geystaan weeraro noocyo kala duwan isugu jira, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay si buuxda gacanta ugu hayaan gobolka Jubada dhexe, oo ka tirsan deegaanada maamulka Jubaland.