Khilaafka ka taagan Puntland ayaa waqtigan isku rogaya qaab qabiil, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladdu ay sii adkaato.
Shan casho ka hor ayey ahayd markii magaalada Garoowe uu ka dhacay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ka aloosmay muddo kordhinta uu sameysanayo Saciid Deni, oo xil heyntiisa ay ku egtahay bisha ugu horeysa sanadka soo socda ee 2024.
Barlamanka ayaa meel mariyey wax ka baddelka dastuurka, xilli ay xiisadu taagneyd, mucaaridkuna uu ka biyo diidsanaa arrintaasi.
Iminka khilaafka Puntland ka jira ayaa yeelanaya waji qabiil, waxaana hardamaya labo jufo oo ka mid ah beesha inta badan qabata masuuliyada maamulkaasi.
Mucaaridka ayaa dega Garoowe, oo ah xarunta uu ku shaqeeyo maamullka, halka Madaxweynaha uu ka soo jeedo magaalad Boosaaso.
Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole, oo uu wiilkiisu hoggaaminayo mucaaridka, ayaa eedeyn culus dusha uga tuuray Madaxweynaha talada haya, kaas oo uu sheegay inuu sharciga ku tumanayo.
Faroole waxaa ka amar qaata ciidamo badan oo ku heyb ah, waana kuwii qeybta ka ahaa dagaalkii dhacay, iyagoo garab u ahaa wiilkiisa.
Hadalkiisa iyo mowqifka wiilkiisa, waxey cadeyn dhaba u yihiin in xaaladda ka ooggan Garoowe ay yeelatay waji qabiil, taas oo halis galin karta dhismaha maamulkaasi oo muddo dheer soo jiray, laguna tilmaamo hooyada fedraalka.