Xaaladda ka taagan gobolka Gedo ayaa aad u cakiran, iyadoo maamulkii hore ee gobolka uu ka soo horjeestay maamulka cusub ee uu gobolkaasi usoo magacaabay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.
Maamulka cusub waxaa loo diiday in gudaha gobolka galaan, waxaana la soo celiyey shalay diyaar siday madaxda maamulka cusub, taas oo ka degtay magaalada Garbahaareey.
Madaxweynaha Jubaland oo magacaabay maamulkan cusub ayaa hore ugu digay xubnihii matalayey maamulkii hore, isagoo ugu baaqay in ka waantoobaan dhaq dhaqaaqyada ay uga soo horjeedaan maamulka uu magacaabay.
Madaxda Maamulka cusub, ayaa iyaguna fariimo hanjabaad ah u diray maamulkii hore, iyagoo ku goodiyey in ay isticmaali doonaan awood, si uu maamulka cusub u shaqeeyo.
Xaaladda adag ee ka aloosan Gedo ayaa ka sii dareysa maalinba maalinta ka danbeysa, waxaana socda dadaalo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, taas oo haddii lagu fashilmo horseedi karta dagaal hor leh oo gobolka ka qarxa.
Madaxda Maamulkan oo in muddo ah ka soo horjeeday hoggaanka Jubaland, ayaa kal hore taageero ballaaran ka helay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kaas oo maamulkooda magacaabay.
WQ: Ayaanle Qoyste