Rajo aad u ballaaran ayaa laga filayaa inuu dib u soo noolaado xiriirkii dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland, oo mudooyinkii ugu danbeeyey aanay wax wada shaqeyn ah ka dhaxeyn.
Hoggaanka Puntland ayaa xiriirka u jaray dowladda uu majaraha u hayo Xasan Sheekh, bilo kadib doorashadiisii, isagoo ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo doorashada maamulkaasi.
Dib u soo laabashada xiriirka labada dhinac ayaa waxaa ka shaqeeyey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana dadaal badan ku bixiyey ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.
Catriona Laing ayaa sheegtay in Saciid Deni waqtigan uu diyaar u yahay inuu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaana la rajeynayaa inuu dib u billawdo xiriirkii dowladda dhexe iyo Puntland.
Tan iyo markii ay is khilaafeen dowladda dhexe iyo Puntland, golaha wada tashiga qaran ayaa soo saaray War-murtiyeed, kaas oo diirada saarayey arrimaha doorashooyinka, waxaase heshiiskii ay wada gaareen qaadacday Puntland oo madasha ka maqneyd.
Maqnaashaha Puntland ayaa saameyn culus ku yeelan karta hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya oo ah mid dhismaya, waxaana xalinta khilaafkan uu horseedi karaa in dhinacyadu wada shaqeeyaan horena loo sii socdo.