Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed karaash ayaa ku kala ra’yi duwanaaday qorshaha muddo kordhinta loo sameynayo maamulka iminka shaqeynaya.
Axmed Karaash ayaa si hoose ugu sheegay Deni, in aanu ku qanacsaneyn muddo kordhinta, isagoo kula taliyey inuu tallaabadaasi ka baaqsado.
Arrintan ayaa keentay in Madaxweyne uu ka caroodo mowqifka ku xigeenkiisa, taas oo hoos u dhigtay wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada masuul.
Karaash ayaa dhowr jeer warbaahinta u sheegay in doorashada Puntland ay ku dhaceyso waqtigeeda, isagoo ka dhawaajiyey in maamulku aanu sameyn doonin muddo kordhin uu dhiig ku daato.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa indhaweydba ahaa nin doonayo muddo kordhin oo aanan ku qancsaneyn qorshaha ku xigeenkiisa, maaddaama muddo xileedka maamulka uu leyliyo uu ku eg-yahay bisha ugu horeysa sanadka soo aaddan ee 2024-ka.