Ugu yaraan 51 qof ayaa ku dhimatay daadad ku dhuftay bariga dalka Spain gaar ahaan gobolka Valencia ka dib roobab mahiigaan ah oo Talaadadii ka da’ay, taas oo sababtay in waddooyinka iyo magaalooyinka biyo dhigaan.
Shaqaalaha gurmad degdeg oo isticmaalayey dooman yaryar ayaa soo badbaadiyey dhowr qofood, kuwaas oo ay qaadeen daadadka. Sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya baaxadda ay la egtahay qasaaraha ay geysteen daadadka ku dhuftay Valencia.
Roobab mahiigaan ah ayaa Talaadadii ka da’ay inta badan bariga iyo koonfurta Spain, waxaana hakad galay isu socodkii tareenka iyo hawada. Warbaahinta dalka Spain ayaa ku warrantay in goobaha qaar ay ka da’een roob wata biyo badan.
Duulimaadyadii ayaa laga weeciyay gegida dayuuradaha ee Valencia waxaana loo weeciyay magaalooyin kale, sida ay sheegtay Aena maamulaha garoonka Isbaanishka. Ugu yaraan 10 duulimaad oo ka dhoofi lahaa ama imaan lahaa garoonka ayaa la baajiyay.
Gurmadka deg degga ah ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca u adeegsaday in ay dadka ka qaadaan guryaha iyo baabuurta magaalada Alora ee Andalus ka dib markii uu wabi buux dhaafiyay.
Wakaaladda cimilada ee gobolka AEMET ayaa ku dhawaaqday digniin cas oo ka dhacday gobolka Valencia iyo digniintii labaad ee ugu sarreysay qaybo ka mid ah Andalusia. Wadooyin dhowr ah ayaa go’ay labada gobol, kadib markii ay daadad ku dhufteen.