Dagaal xooggan oo saacado badan socday oo ka dhacay Xaafadda Zeytuun ee dhacda Koofur-bari Magaalada Gaza ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray ciidanka Israa’iil sida ay ku xog-warrameen saraakiisha ciidankaas hoggaaminaya.
Warbaahinta ku hadasha Afka Israa’iil oo ay kamid yihiin kuwo si dhow uga warramaya arrimaha Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa caddeeyay in saraakiil laf-dhabar u ah howlgalladaas lagu dilay weerarkaas culus.
Sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in nolol ama geeri ay ku waayeen 4 Askari oo katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dagaalkaas ku jiray, waxaa loo badiyay in ay gacanta u galeen dhinaca dhaqdhaqaaqa iska caabinta ee Xamaas.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa amar culus ku bixiyay in la isku duqeeyo ciidankiisa la waayay iyo dagaalamayaasha Xamaas ee dagaalka kala soo horjeeda ciidankiisa, waxa uu ceeb & niyadjab u arkaa in nolol lagu haysto askartiisa.
Waxaa sii kordhay cadaadiska xooggan ee la saarayo Xukuumadda Netanyahu, waxaa loogu baaqay in ay dib ugu laabato Miiska wadahadalka isla markaana ay joojiso xasuuqa ay geysaneyso oo qudhooda dhibaato xooggan kasoo gaareyso.