Inta la ogyahay 4 caruura oo wada dhashay ayaa ku geeriyooday, dad kalana wey ku dhaawacmeen, dhisme qadiimi ah oo dumay, kaas oo ku yaalla degmada Shangaani.
Afarta Caruurta ah oo walaalo ah ayaa ahaa dhamaantood wiilal, iyadoi dhismaha dumay uu ahaa mid caan ka ah gudaha, Muqdisho, waana kan ku sawiran lacagta Shilinka Soomaaliga
Caruurta geeriyootay ayaa ka soo jeeday qoys dan yar ah, waxaana in meydkooda laga soo saaro bur burka dhismaha ay qaadatay waqti aad u badan.
Cagafyo uu leehahay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gaaray dhismaha dumay, iyagoo baadi goob ugu jira in dad kale ay ku hoos jiraan dhismaha dumay oo ah mid qadiimi ah.
Gudaha Muqdisho, Ma ahan markii ugu horeysay, oo uu khasaare ka dhasho dhisme dumay, waxaana ugu badan kuwa qadiimiga ah, oo ay ku nool yihiin dad dhaqaale ahaan uu jeebkoodu hooseeyo.