(Hortabin Media) – Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaal ka dhacay saacadihii la soo dhaafay duleedka Laascaanood, gaar ahaan aagga loo yaqaan Goojacadde.
Dagaalka waxaa xigay weerar Madaafiic ah oo ay dhinacyadu isugu jawaabayeen, waxaana ku dhintay dad gaaraya 5 qof.
Madaafiicdan oo ku soo dhacay gudaha Laascaanood, ayaa dadka ku geeriyooday dhamaantood waxa ay ahaayeen kuwa rayid ah.
Xiisada ka taagan Laascaanood ayaa sii xoogeysaneysa, waxaana dadka Laascaanood ay sameysteen guddi maamulla aayahooda, iyagoo ku dhawaaqay maamul ka madax bannaan Somaliland.